Tuesday, July 3, 2018

Farax Jacayl Dhib Ma Loo Maraa?

Waa sheekho aad u xiiso badan oo ka waramaysa Farxada Jacayl, dhibta iyo Rafaadka loo maro, Waxaana Qoray:- Yaasin Axmed Maxamed (Yaasin Lucky) (Q15aad)

Farax: waan kuu walaanahayaa xubi jacaylka igu dhacay ee aad igu beertay dadkii oo dhan ayaa ila yaabay

Ridwaan: gacaliso anigaba jacyalku dhankyaga waa iga gubayaa ilaahay ha isku keen keenee.

Farax: waxaad ku abuurtantahay jidhakayga balse waxaan ka baqayaa maalinta aan kuu imaado in aan ku waayo.

Ridwaan: maya gacaliso aniga adigaa i leh sidee ii weyn kartaa kelmadaas mar dambe afkaaga yey ka soo bixin.

Farax: haye xubi mar dambe ma odhan doono.

Ridwaan: mac mac mac meel walba gacaliso waan kaa dhunkanayaa

Farax: anigana sidaa si la mid ah labada bishmoodna waan kaa dhunkanayaa.s

Ridwaan waxaa mar walba dhegihiisa ka guuxayey hadalada macaana ee ay kula sheekaysan jirtay xaaskiisa Farax wuxuuna ahaa maqane jooga daawadiisuna ay meel dheer ka jirto sidoo kale Farax ruuxii dhaqaaqaba waxaa looga dhigi jiray Ridwaan waxaanay niyada ku hayn jirtay maalin in ay laabtiisa geli doonto.

“Mar walba oo uu Ridwaan daawado sawirka xaaskiisa Farax wuxuu niyeysan jiray jeegaanta roobkee cirka kala dhex jiidha, mar walba oo uu jaleeco indhaheeda jawharka ahna wuu jidhidhicoon jiray, hadii uu wax jamanayana bishmaheeda jokolaatka oo kale ayuun buu ku hadaaqi lahaa hadhi iyo habeen, wuxuuna odhan jiray wax walba oo dunida yaalaana way is bedeli karaan aan ka ahayn aniga iyo Farax jacaylkayga”

Hadii ay jirto baahi uu ruux ku tabayo ruux ka maqan Farax waxay ahayd qofka koobaad cida ay tabeysayna waxay ahayd gacaliyaheeda inta yare e ay la hadleysana waxay ahayd xili uga duwan xiliyada kale.

Nolosha Ridwaan maalinba maalinta ka dambeysa waxay isu bedelaysay farxad iyo in uu tiriyo wakhtiga kana fekero maalintii uu la kulmi lahaa gacalisadiisa uu aduunka ka doortay.

Farax waxay ahayd gabadh iyada oo soo jeeda riyoon jirtay fekerina jirtay taasan waxaa keenay jacaylka xad dhaaf ka ah ee ay uqabtay ninkeeda Ridwaan.

Labadooduba waxay ahaayen laba qof oo aan jacaylkooda aduunka lagu arag mid walbana wuxuu dhankiisa iska lahaa jacaylka ku haya hadii la miisaamo aduunka wax yaala oo dhan waa ka cuslaan lahaa.

Wuxuu ahaa Ridwaan mid ilaahay u mahad celiya maadaama oo uu helay qalbi daacad ah oo jecel iyo weliba marwo uu ilaahay qurux u dhameeyey jacaylka xad dhaafka ah ee uu xaaskiisa u qabo darteedna wuxuu u tiriyey geeraaro iyo hal ku dhigyo badan oo ay ka mid ahaayeen kuwan hoos ku qoran

“Ubixii noloshaad tahoo’

Indhaha nuurbaad u tahay’

Naftaad naxariis u tahay’

Qalbiga nasashaad u tahay’

Niyada farax baad u tahay’

Nolosha rasmibaad ku tahay’

Dumarka nuurbaad u tahay’

Nal soo baxayaad u tahay’”

Jacaylka uu Ridwaan xaaskiisa jecelaaday iyo jacaylka ay Farax ninkeeda jeclaateyba waxay ahaayeen jacayl aan aduunka lagu arag.

Habeen ayaa Farax oo ninkeeda la kaftameysaa waxay ku tidhi gacaliye dadku waxay yidhaahdaan labada qof ee is jecel hadii ay isku hadal bataan way is nacaane ee adigu ma aaminsantahay waayo anigu codkaaga ayaanba ku noolahay iyo sheekadaada, Ridwaan ayaa wuxuu xaaskiisa ugu jawaabay gacaliso dadku badanaa si khaldan ayey wax u arkaan waayo ninku in uu xaaskiisa meel munaasibad ah u kaxaysto ama uu yidhaahdo waa xaaskeyga waa ka xishoodaa run ahaantii inaga jacaylkeenu waa ka duwan yahay kii hore aduunyada u yaalay waayo waxaad tahay indhahayga aniguna waxaan ahay naftaada sheekadeenuna in ay sahay u noqoto nolosheena iyo jacaylkeena maahee wax ay bedelayso ayaan jirin

No comments:

Post a Comment