- Sawirrada aan la arag ee weerarkii daaraha mataanaha ee Mareykanka
- Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay sida loola xiriiriyay weerarkii daaraha mataanaha ee 9/11

REUTERS
Lahaanshaha sawirkaREUTERS



Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Foostada ayaa aheyd mid lagu taakeeyay tiir bir ah, waxay dhulka ka sarreysa ilaa 25 joog.
Ninkan oo lagu magacaabo Vernon Kruger ayaa lagu wadaa inuu galo buugga lagu xuso dadka taarikhda sameeyay balse sannadkii 1997-dii ayuu wacdaro dhigay markii 54 maalmood uu ku dhex noolaa foosatada.
Balse hadda wuxuu ku dhex noolaa foostada 67 maalmood.
Wuxuu barnaamijka BBC ee Newsday u sheegay in caqabadda ugu weyn ee ka heystay ku dhex noolaanshaha foostada ay aheyd hurddada maada uu ciriiri dareemayay.
"Ma iskala bixin karin, waxaan ku qasbanaaday in aan sidii ilmo ku jiro uurka hooyadii u seexdo sababta oo foostada ciriiri ay aheyd, marka aan soo kaco waxaan dareemi jiray xannuun" ayuu yiri Vernon Kruger.
Amiirka Sussex ee magaciisu yahay Harry ee leh dhaxalka boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegay in uusan haysan wax dookh iyo kala doorasho ah, oo aan ka ahayn in uu iska casilo xilkii uu ka hayay qoyska boqortooyada Ingiriiska.
Isaga oo hadal ka jeedinayay meel munaasabad ah, ayuu sheegay in isaga iyo xaaskiisa Megha ay doonayeen in ay lasii shaqeeyaan boqortooyada iyaga oo aanan lagu bixinayay lacagta dadweynaha.
"Balse nasiib daro taas suurtogal ma aanay noqon" ayuu yiri Harry.
Wuxuu sheegay in farxaddii iyo noloshii uu u baahnaa uu ka helay Meghan.
Wuxuu intaas ku daray in UK uu yahay dalkiisa jecelyahayna, waligiisna uusan is badeli doonin.
Wuxuu sheegay in uu la kulmay cadaadis iyo culees badan intii uu raadinayay nolol u qalanta oo farxad leh, taasna ay horseedday in uu isaga tago darajadii uu ka hayay qoyska boqortooyada.
Harry iyo Meghan ayaa horey u sheega in ay doonayaan in ay dib uga gurtaan ahaanshiyaha xubno sarsare oo ka tirsan qoyska boqortooyada, si ay u helaan xoriyad maaliyadeed.
Waxa uu sheegay in markasta uu xushmadu hayo ayaayadiis, oo ah boqorada hadda Talisa
Harry iyo xaaskiisa ayaa labaduba ka sheekeeyay nolosha boqortooyada iyo dabogalka ay warbaahinta ku hayso, isaga oo sheegay in uu ka cabsaday in xaaskiisa ay ku dhacaan wixii ku dhacay hooyadiis Diana oo geeriyootay iyada oo ay ceersanayaan sawir qaadayaal.
Harry waxa uu ka hadlayay munaasabad yabooh loogu uruurinayay hay'ada saofal oo uu isaga asaasay, taas oo lagu caawiyo carruurta qabta xanuunka HIV-Aids, wuxuuna sheegay in ujeedka uu ahaa in uu sii wado taariikhdii hooyadiis oo ka shaqayn jirtay samofalka.
Heshiis ay wada galeen Harry, xaaskiisa iyo qoyska boqortooyada ayaa dhigayay in aysan mateli karin boqortooyada wixii hadda ka dambeeya.
Lammaanahan ay diirada warbaahinta saarantahay ayaa sheegay in waqtigooda nololeed ay ku kala qaadan doonaan UK iyo Canada, iyada oo xaaska ay ku nooshahay dalka Canada, iyada iyo wiilkeeda yare e Archie.