Abiy Axmed " Anaga Ceeb ayay nagutahay inaan ey maxkamad sootaagno".
Dr. Abiy Axmed ayaa markale si kulul uga jadlay xadhiga Madaxwayne Abdi Illey oo hada mud kuxidhan xabsi kuyaal Magaala madaxda Ethiopia Ee Addis Ababa.
Hadalka dr. Abiy Axmed ayaa kusoo beegmaya xili mudo Yar uunlaga joogo kadib cabashadii Ehelka Cadi illey ay soo jeediyeen taasoo aykusheegen sida ay hadalka udhgeen, in sigaara loo jidhdilo Mr. Illey.
Dr. Abiy ayaa sidaa kusheegay Mar ay warbaahintu waxka waydiisay jawaabta uukabiinayo Cabashadii qaraabada Madaxwayne Illey isagoo arintaas kahadlaya ayaa waxaa uu yiri "Abdi maxamuud waxaa uu ahaa Madaxwayne killal balse arintaas ugamuu soobixin sidii loogu igmadey". Raisalwsare Abiy Axmed ayaa sidokale kusifeeyay 'ey' Isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu yiri "Anaga Ceeb ayay nagutahay inaan ey maxkamad sootaagno Abdi waa nin dambi qaran loohaysto".
Hadaladan kulul Ee Dr. Abiy Axmed ayaa meesha kasaaraya inaanuu wax saamaxad ah iyo waxlamida xataa rafcaankale Aan suura gali karin.
Bye Axmed faahiye
Djibouti desk
Djibouti office
Showing posts with label warar. Show all posts
Showing posts with label warar. Show all posts
Saturday, September 29, 2018
Friday, August 31, 2018
Seddex madaxweyne ayaa soo maray DDSI bil gudaheed

Ismaamulka Soomaalida waxaa bil gudaheed soo maray seddex madaxweyne, ka dib rabshado keenay dhimasho iyo dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac salka ku haya kala shaki dhinaca isirka ah.
Arrintaas waxay ka dhalatay markii Jigjiga ay ka billowdeen rabshado u xuubsiibtay boob iyo bililiqo baahsan.
Maamulka madaxweynihii hore, Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuu eedda rabshadihii dhacay dusha ka saaray dawladda dhexe ee federaalka Itoobiya.
Waxaa isla wakhtigaas iyagana billowday wadahadallo ay magaalada Diri-dhabe ku yeesheen odayaal iyo dhallinyaro ka soo horjeeday nidaamkii Cabdi Maxamuud Cumar.
- Itoobiya oo ka hadashay xaaladda Jigjiga
- Xaaladda Jigjiga oo faraha ka baxday

Ugu dambayntiina, wuxuu Cabdi ku dhawaaqay 8 sano oo uu gobolka xukumayey ka dib inuu xilka ka degey, ka dib culays badan oo la soo dersay.
Maalmo ka dib waxaa Cabdi laga dhoofiyey Jigjiga, waxaana loo qaaday Addis Ababa, halkaasoo muddo gaaban oo xabsi guri uu ku jiray ka dib maxkamad la soo taagay.
Dacdaw oogayaasha ayaa weydiistay maxkamadda in ay siiso 14 maalmood oo ay ku soo dhamaystiraan caddaymaha dacwadda ay ku oogayaan Cabdi Maxamuud Cumar iyo lix qof oo kale, waxayna dalbadeen in xabsiga lagu sii hayo, maxkamadduna way ka aqbashay codsigaas.
Dhinaca kale, waxaa iyaguna socday isku dhacyo meelo kala duwan laga soo sheegay, waxayna u dhaxeeyey Soomaalida iyo Oromada, kuwaasoo aan weli xal laga gaarin.
Waxaa si degdeg ah oo KMG ah loogu magacaabay madaxweynenimada gobolka, Axmed Cabdi Maxamed (Ilkacase) oo ah nin dhallinyar oo maamulka ilaa jago wasiirnimo ka soo qabtay, hase yeeshee wax badan xilka ma uusan sii haynin.
22kii bishan Agoosto ayaa xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya wuxuu Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar) oo ahaa sarkaal u shaqaynayey Qaramada Midoobay u xushay madaxtinimada ismaamulka Soomaalida.
Sidoo kale Axmed Shide oo ah wasiirka warfaafinta ee dawladda federaalka ayaa loo magacaabay inuu hogaamiyo xisbiga, waxaana durbadiiba laga saaray xubno loo arkayey inay ku feker yihiin madaxweynihii hore.

Dikareeto cusub oo uu todobaadkii iminka dhamaaday soo saaray Mustafe cagjar wuxuu xilka kaga qaaday saraakiil muhiim ah oo uu ku jiro taliyihii awoodda badan lahaa e ciidanka Liyu booliska, C/raxmaan laba Go'le.
Warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in la kala diri doono ciidankaas oo uu abuuray madaxweynihii hore.
Tallaabooyinkan oo dhan ayaa loo arkaa in ay salka ku hayaan isbeddellada uu dalka ku soo rogay ra'iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya, Abiy Axmed, oo isaga qudhiisa xukunka qabtay dabayaaqadii bishii Abril ee sannadkan, ka dib markii loo caal waayey mudaaharaadyo rabshado watay oo ka dhacayey deegaannada uu ka soo jeedo ee gobolka Oromada.
Rabshadahaas waxay keeneen in ninkii isaga ka horreeyey, Hailemariam Desalegn uu is casilo, waxaana Abiy loo arkayey nin magacaabidiisa ay rabshadahaasi dejin doonaan.
Dadka ku fikirka ah Cabdi Maxamuud Cumar waxay qabaan in rabshadahaas iyo cawaaqibkii ka dhashay ay yihiin waxa fidnada ka bilaabay dhulka Soomaalida, halka kuwa ku kacsan Cabdina ay ku doodayaan in Cabdi Maxamuud Cumar uu sababsaday siddeed sano oo dhulka Soomaalida ay ka dhacayeen xadgudbyo iyo cabburin dhan ka ah xuquuqul aadanaha.
Madaxda cusub waxay iminka ku beer laxawsadeen dadka in ay soo celinayaan dhamaanba waxyaabihii uu nidaamkii hore mamnuucay sida calankii hore, heesta calanka iyo maalmaha fasaxyada ee todobaadka.
Haddaba dadka badankiis waxay aaminsan yihiin in xal uu imaan doono aakhiritaanka, hase yeeshee su'aashu waxay tahay intee buu qaadan doonaa?
Saturday, August 11, 2018
Sheeko naxdin leh: Gudaha guriga gabood falka carruurta India
Lahaanshaha sawirka.
"Qorraxdu waxay annaga subax walba noola muuqataa mid si aad gaabis u ah u soo baxda", gabar laga soo bad baadiyay hoy carruurta lagu hayo oo ku yaalla gobolka Bihar ee dalka India ayaa sidaas u sheegtay qof ka mid ah koox baaritaanno wadda.
Gabadhu waxa ay isku keentay gacmaheeda iyadoo ka sameyneysa muuqaal shabaha sida baaquliga oo kale, waxayna u dhoolla caddeysay si ay murugo ku dheehan tahay.
Iyadoo hadakeeda sii wadata ayay sheegtay in iftiinka maalinta aysan waxba ka arki jirin, balse ay ku jirtay qol qabow badan oo ku dhex yaalla guri qufulan, waqtiyada habeenkiina ay u ahaayeen kuwo aan dhammaad lahayn.
Waxay sheegtay in dad aan la garaneyn oo soo booqda hoygaas ay inta badan ka soo dhex bixi jireen mugdiga, ayna xad gudub dhinaca galmada ah u geysan jireen iyada.
Gabadhaan waxay ka mid ahayd 44 gabdhood oo ay da'doodu u dhaxeyso 7 ilaa 17 jir oo ku noolaa guri 3 dabaq ah oo ku yaalla magaalada Muzaffarpur.
Lahaanshaha sawirka.
Magaaladaas oo ay u badan yihiin dadka saboolka ah ayaa si weyn loogu yaqaannaa in laga helo dharka raqiiska ah, jijimaha la xardhay, iyo sidoo kale in laga soo tabiyo falal dambiyeedyada abaabulan.
Carruurtaasi waxa ay ahaayeen agoomo, ilmo ka soo cararay waalidiintood, kuwo la soo xaday iyo ciyaalka qoysaskoodu ay saboolka yihiin oo dhammaantood ka soo wada jeeda gobol ka mid ah gobollada ugu saboolsan dalka India, kaasoo 46% shacabka ku nool ay yihiin dad ay da'dooda ka hooseyso 17 sano jir.
Galabtii ay taariikhdu ku beegneyd 30-kii bishii Maajo, waxaa guriga hoyga u ahaa carruurtaas tagay booliska waxayna ka dalbadeen ilamaha in ay soo baxaan, ka dib waxay iyagoo aamusan ku gureen gawaarida booliska waxayna u kala kexeeyeen saddex hoy oo ku yaalla meelo kala duwan.
Qeylo dhaanta ayaa billaabatay bishii Maarso ka dib markii ay soo baxday warbixin ka kooban 100 bog oo ku saabsan xaaladda ka jirta guryaha hoyga u ah dadka la xannaaneeyo ee ku yaalla gobolka Bihar, kuwaasoo ay leedahay hay'adda ka shaqaysa arrimaha bulshada ee Tata Institute of Social Sciences (TISS), oo ah mid ka mid ah hay'adaha ka shaqeeya arrimaha bulshada ee ugu waaweyn dalka India.
Toddoba cilmi baare oo ka tirsan hay'adda oo uu fadhigeedu yahay magaalada Mumbai ayaa waxa ay muddo lix bilood ah baaritaanno ka sameeyeen 38 degmo, iyagoo booqday 110 hoy oo intooda badan oo ah 71 ay hoy u yihiin carruur.
- India: Ma rumaysan kartaa jiir baa khamri xaday!
- India oo afar milyan ku dhawaad qof jinsiyadda ka xayuubinaysa
Lahaanshaha sawirkaPRASHANT RAVI
Waxay sidoo kale booqdeen guryaha hoyga u ah dadka da'da ah, meelaha waqtiga kooban lagu hayo haweenka isku buuqsan iyo xarumaha sida ku meel gaar ah loo sii geeyo dadka.
Warbixinta ku saabsan arrintaan oo si kalsooni leh loo soo diyaariyay ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay sidii su'aalo la isaga weydiin lahaa waxa ka socda guriga hoyga u ah carruurta ee ku yaalla magaalada Muzaffarpur, oo uu maamulo nin lagu magacaabo Brajesh Thakur oo milkiile ka ah wargeys maxalli ah.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in gabdhaha hoygaas ku jiray ay ahaayeen kuwo aan loo ogolayn in ay bannaanka u soo baxaan oo ay qaataan hawo nadiif ah marka laga reebo waqtiga ay qadada u doonanayaan hoolka loogu tala galay cuntada.
Midda ugu sii daran ayaa ah in gabdho fara badan ay horay uga cawdeen xad gudubyo dhanka galmada ah iyo qalalaase ka jiray hoygaas dhexdiisa balse aan dheg jalaq loo siinin.
Hadda booliska ayaa billaabay in ay su'aalo weydiiyaan carruurtaas. Markii ay wareysteen waxay ka ogaadeen sheekooyin argagax leh oo ku saabsan siyaabaha loola dhaqmi jiray waxaana ay taasi, sida lagu eedeynayo dadkii carruurta gacanta ku hayay ay noqdeen kuwo xannaanadii laga rabay u baddalay xad gudub heerkii ugu sarreeyay ah.
Lahaanshaha sawirkaAFP
Inta badan carruurta laga dhigay la heystayaasha xabsiga ku jiray waxa ay da'dooda u dhaxeysay 12 sano ilaa 16 sano.
Baareyaasha ayaa aad ula fajacay kuna jaha wareeray sida ay carruurta xaaladdooda tahay. Markii la wareysanayay waxa ay isku darayeen qosol iyo oohin xad dhaaf ah ka dibna way aamusayeen.
Afar iyo toban ka mid ah waxay u muuqdeen in uu dhimirka wax ka gaaray ama ay si aad u daran iskugu dhex yaaceen.
Guriga hoyga u ahaa waxaa taallay cunto ku filan carruurta oo idil, hase ahaatee intooda badan waxaa laga dareemayay in ay aad caato u ahaayeen.
Waxa ay la xanuunsanaayeen cudurka Qaaxada iyo cudurrada maqaarka.
Qaar badan oo ka mid waxay iska dhaawaceen jirka iyagoo isku muday qalimaantooda iyo sakiinta qalin qorka, waxaana qaarkood jirkooda ku yaallay 20-25 dhaawac.
Waxaa la sheegay in raashinka baddalkiisa la siin jiray daawooyinka lagu hurdo.
Rag bannaanka ka yimaada, oo sida isaga lagu eedeeyay intooda badan uu caawin jiray Mr Thakur, ayaa u soo xaluulan jiray qolalkooda, waxayna kufsi u geysan jireen gabdhaha, sida ay qaarkood sheegeen.
"Waan suuxi jirnay ama waxaan la dhici jirnay hurdo deg deg ah. Subaxa xigana waxaan badanaa soo kici jirnay annagoo qeyb ka mid ah jirkeenna ay qaawantahay oo xanuun dareemeyna." Mid ka mid ah gabdhaha ayaa sidaas u sheegtay baareyaasha.
"Eeddooyinkeen (oo ay ula jeeddo haweenka xarunta u jooga xannaaneynta carruurta) waxaan maqli jiray xam-xamtooda iyagoo dhahaya, 'Fiiri taas way ka taqaluseene'."
Mid ka mid ah gabdhaha ayaa sheegtay in mar kasta oo ay xanuunsato ay haweenka xarunta jooga u diri jireen qolka Mr Thakur oo deganaa guriga ku xiga si ay ugu soo nasato. Gabar kale oo halkaas la heyste ku ahayd ayaa sheegtay in uu ninkaas laftiisa caloosha ka haraantiyay.

Markii ay dhaqaatiirta baaritaan ku sameeyeen gabdhaha waxay ogaadeen in 34 ka mid ah gabadhaha aadka u da'da yar ee 42-ka ah "ay suurta gal tahay in loo soo galmooday."
Booliska ayaa labo isbuuc ka dib baaritaannadaas si deg deg ah u soo xiray Mr Thakur iyo sagaal ruux oo kale.
Toddobo ka mid ah dadkaas la soo eedeeyay ayaa ahaa haweenka ka shaqeynayay hoyga.
Sarkaal ka howl gala ilaalinta carruurta ayaa sidoo kale lasoo qabtay, waxaana ay booliska sheegeen in ay wali raadinayaan sarkaal kale oo madax ka ah guddiga xannaanada carruurta ee degmada, kaasoo arrintaan qariyay.
Saddex nin oo uu ku jiro Mr Thakur ayaa loo maxkamadeeyay eedeymo ku saabsan kufsi, xadgudub galmo oo ka dhan ah carruurta iyo fal dambiyeed.
Ninka eedeynta ugu weyn loo heysto oo ah Mr Thakur ayaa beeniyay dacwadahaas oo uu ku tilmaamay kuwo la siyaasadeeyay.
Brajesh Thakur oo ah milkiilaha, isla markaana maamula wargeys maalinle ah oo lagu magacaabo Hindi daily newspaper, ayaa waxaa horay howshiisa shaqo iyo xirfaddiisa saxafinimo u sharciyeysay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka India.
source bbc somali
Sawirro: Xaalada Jigjiga oo wali kacsan
Xaalada magaalada Jigjiga ayaa la soo sheegaya inay tahay mid kacsan, kaddib markii ay milatariga Federaalka Itoobiya gudaha u galeen.
Dad badan ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaaladaasi waxaana lasoo sheegayaa inay halkaasi ka socoto bililiqo.
Halkaan ka daawo sawirada jawiga magaalada Jigjiga.






Editor by Axmed faahiye
Tuesday, August 7, 2018
Jabuuti oo dadkeeda ka soo daad guraysay Diridhaba+Oramada kudhaqan Djibouti oola gurayo
Dalka Jabuuti ayaa magaalada Diridhabo ka soo daad guraysa it ay ugu yaraan labo boqol oo ruux oo dalxiis u joogay magaalada Diridhabo, sida uu ku warramayo weriye Maxamuud Bulxan Cusmaan.
Jabuuti ayaa dadkaas u dirtay diyaarado khaas ah.
Arrintan ayaa timid ka dib markii rabashada Diridhaba ka socda lagu dilay ugu yaraan sagaal ruux oo reer Jabuuti ah.
Rabshadaha Diridhabo ayaa ku salaysan qoymiyado waxaana magaaladaas ku dagaalamay Soomaali iyo Oromo. Dhinaca kale
Waxan iyana jirta in ladaad guranaayo Malathion Oromo ah okudhaqan dalka Djibouti.
Waxan iyana jirta in ladaad guranaayo Malathion Oromo ah okudhaqan dalka Djibouti.
Wararka arrintaas ka soo kordha waxaan ku soo qaadan doonaa bartan
Kalasoco Free Boss
Kalasoco Free Boss
Monday, August 6, 2018
DP WORLD oo soo saartay war cusub kadib diidmada Jabuuti ee xukunka Londo
Dubai (Free Boss) – Shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka aqoonsaneyn go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ay ka gaartay murankii dekadda Doraleh, uu yahay mid aan waafaqsaneyn xeerarka caalamiga ah.
Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa khamiistii go’aamisay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid “sharci ah, oo weli taagan”
DP World ayaa sheegtayn in go’aanka maxkmadda uu ku saleysan yahay mabaadiida la aqoonsan yahay ee xeerarka caalamiga ah, islamarkaana uu yahay mid waajib ku ah dowladda Jabuuti.
‘
“Sida ay maxkamadda go’aamisay, Jabuuti kama madaxbanaana qandaraas lagu aqoonsan yahay xeer calami ah. Sidoo kalena, sida ku cad xeerka English-ka, qanadaraas laba dhinac ah, dhinacna kaligiis kama bixi karo. Sidaas darteed heshiiska aan kula wareegno dekadda Doraleh, waa mid sharci oo qasab ah” ayay tiri DP World.
‘
“Sida ay maxkamadda go’aamisay, Jabuuti kama madaxbanaana qandaraas lagu aqoonsan yahay xeer calami ah. Sidoo kalena, sida ku cad xeerka English-ka, qanadaraas laba dhinac ah, dhinacna kaligiis kama bixi karo. Sidaas darteed heshiiska aan kula wareegno dekadda Doraleh, waa mid sharci oo qasab ah” ayay tiri DP World.
DP World waxay sidoo kale sheegtay in go’aanka Jabuuti ay ku diiday go’aanka maxkamadda uusan u adeegeyn danaha dadka Jamhuuriyadda Jabuuti, islamarkaana maamulka DP World ee dekadda Doraleh uu ahaa mid wax badan laga faa’iiday.
Dowladda Jabuuti ayaa ku gacan sayrtay go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada London.
Jabuuti ayaa bishii March sheegtay inay diyaar u tahay inay iibsato saamiga ah 33% ee DP World ay ku lahayd Doraleh, si loo soo geba gebeeyo muranka kala dhaxeeya mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn dunida ee maamula dekadaha.
Break News; Dad isku aruursanaya kiniisad Jigjiga ku taalla
Dad isku aruursanaya kiniisad Jigjiga ku taalla
Dadka aan Soomaalida ahayn ee ku sugan magaalada Jigjiga ayaa isku aruursanaya Kiniisad wayn oo ku taalla magaalada Jigjiga iyaga oo wata burar iyo baangado, sida ay BBC-da u sheegeen dad goobjoogeyaal ah.
Dadkan oo dhallinyaro u badan ayaa markii hore kiniisadda u tagay si ah u difaacaan maadaama oo ay jiraan kuwo kale oo la gubay.
Waddada ay kiniisaddaasi ku taallo ayaa go’an iyadoo laga cabsi qabo in ay rabshado ka dhacaan.
Dad Soomaali ah oo iyaguna is aruursanayay ayay booliisku dib u celiyeen, waxaana magaalada dhex maraya gawaari ay cod baahiyeyaal ku xiran yihiin oo dadka lagaga dalbanayo in ay is dajiyaan rabshado dambana aysan gaysanin.
Booliiska caadiga ah iyo ciidammada gaar ah ee Liyuu Booliis ayaa wadooyiinka magaalada gaaf wareegaya iyaga oo qaar ay lugaynayaan iyo kuwo kalana ay gawaari adeegsanayaan.

Subscribe to:
Posts (Atom)


