Wednesday, April 11, 2018

Fahan Xumo iga dheh.....

Fahan Xumo iga dheh.......
Booqashada Rw Abiy Ahmed waxaa kafal celiyay kumanaan shacaba Gaar ahaan Somalida iyo Oramada. Inta badan dadku waxay shegayaan inay kaniyad Jabeen socdaalka degdega ah ee RW Abiy Ahmed kutagay Jigjiga Isaga oo 7 Aad uun xafiiska jooga. Dadka shacabka ah intooda badani ma oga xaqiiqda dhabta ah Lakin waxa ay Arkeen unbay xukminayaan.
Inbadan oo kamida waxay iswaydinayaan sababta uu shaqadiisa kobaad uga bilaabay Jigjiga! Waftiga RW Abiya Axmed kaligii kuma ahayne waxaa dhinacyada kasocday Wasiirka Arimaha dibada ee dalka madaxwaynaha Gobalka Oramada iyo saraakiil kale . Halkaas waxaa laga dareemaya culayska iyo misaanka waftigani ugu fadhido Jigjiga iyo maamulka Ka arimiya. Waxaa iyana meesha kujirta In ragani yihiin kuwii Goolka dhaliyay ee TPLF awooda kumuquuniyay.
Hal su’alana fadlan iswaydi sababta dhamaan Madaxdii ugu saraysay ee Oromo iyaga oo wada Socda jigjiga utageen? Abdi wuxuu ahaa dhagaxii lagu soo tuurayay kacdoonkii gulaystay ee Oramada, wuxuu ahaa mas madaxiisu Jigjiga yaalo dabadiisuna makela taalo wuxuu ahaa nin uxuubsiibtay fulinta awaaniirta sharci darada ah ee ay bixinayeen saraakiisha TPLF oo kuwa ciidanka ah ugu horeeyan.
Sidaasi darteed sifa aan loo fashilinin kacdoonka Oramada ee gulaystay talaaba wanaagsan ayay ahayd oo ay qadeen waxay ahayd arin muhiim u’ah dawlada Dr Abiy Ahmed waxay ahayd daaqad kufuran oo ubaahan inay iska gufeeyan.
Su’aal kale Abdi wuxuu barakiciyay haaf Million Orama ah halka uu boqolaal kalana dilay Marka adiga makula tahay In Madaxda Oramadu kalgacayl ay uqabaan ugu tageen Ina iley? Kudarsoo raga maanta lajooga qaarkood miiska ayaa laysku feedhay bila kahor isagoo ahaa aydabadiisa Wax Ku og taasi maanta daaqada kabaxday.
Sida xaqiiqda ah socdaalkani wuxuu muujinaya In Madaxda Oramadu doonayan inay Ina iley daaqada kala baxaan oo waliba sharciga horkeenan Lakin isagu kuwa dhagaysta ee hadaladiisa rumaysta wuxuu usheegay inuu wiil hoogi ay yaqaneen uun yahay, waase Wax xaqiiqda ka fog.Image may contain: 2 people, people standing, people walking, shoes and outdoor
Sawirka uu soo galay ee isku dhadhajinta iyo qosalku kamuuqdo isaga selfie bay utahay iyo wa ikaase iga leexda halka Oramadu ciyaarayaan siyaasad bisayl iyo xeeldheeri kamuuqato. Ina iley maha siyaasi maha aqoonyahan ama hogaan fahmi kara jabka lala maagan yahay waase nin kuqanca kaba qaadnimo iyo sawir uu madaxda dalka maalinba qaar lagalo wuxuu yaqaan oo kaliya dilo, caayo , barakiciyo ama laabta ugaraaco oo ah shacabka uu xooga kuhaysto ee uu dhuunta hayo
Ugu danbayn tii inbadan oo dadka kamida sikhaldan ayay socdaalkan uturjumeen halna ogaada Oromo way is ogtahay Gaar ahaan intooda xogogaalka ah ama saldhiga u’ah kacdoonka .Tusaale Yarka jawaar ladhaho maanta cod dheer buu kula hadli lahaa dhalinyarada Qeerooda una sheegi lahaa inay dib usoo celiyaan kacdoonkii isagoo waliba usheegaya In Abiy yahay agent ama Sarkaal TPLF ushaqaynaya amaradoodana fulinaya Lakin taas badalkeeda wuu hambalyeeyay wuuna soo dhaweeyay.
Ugu danbayn Ina Iley xiligiisu wuu dhamaaday ama rumayso ama harumaysan 6 bilood ugu badnaan wuu sii joogaya wuuse dhintay maanta wuu baryoota mayaa kuwuu shalay magacyada ugu yeedhayay kulahaa Waa Onaag, Waa argagixiso ee uu meel walba kuwa isaga tageera dabad bax kasameeya kulahaa Lakin Waa xaqiiqa inuu wajahay mustaqbal madaw iyo cawaaqib xumo.
Xuquuqda Qoraalka Maxamed Hassan

No comments:

Post a Comment