Monday, February 26, 2018

Dilkii dhalinyarada Soomaalida ee London oo qof loo qabtay


Cabdiqaadir Xasan (bidix) iyo Sadiiq Aadan Maxamed (midig)Lahaanshaha sawirkaFAMILY HANDOUT/PA
Image captionCabdiqaadir Xasan (bidix) iyo Sadiiq Aadan Maxamed (midig)

Nin dhalinyaro ah oo 18 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah oo ku saabsan labo dhalinyaro Soomaaliyeed oo toori lagu dilay.
Ninkan oo lagu magacaabo Isaiah Popoola oo 18 ah ayaa loo heystaa dilka Cabdiqaadir Xasan oo 17 jir ah iyo Sadiiq Aadan Maxamed oo 20 jir ah, kuwaas oo talaadadii lasoo dhaafay lagu diley xaafadda Camden ee London.
  • Duqa London oo codsi u diray Ra'iisalwasaaraha
  • Booliiska oo dib u baaraya Falastini London lagu dilay 1987
  • Bangiyada ayaa ka digay in shaqooyin laga rari doono London
Waxaa sidoo kale ninkan loo heystaa dhaawacyo uu u geystay labo qof oo kale isla habeenkaas uu dhacay falka dilka ah.
Mr. Popoola ayaa kasoo muuqan doona maxkamadda Highbury xili dambe oo maanta ah.

No comments:

Post a Comment