Tuesday, February 21, 2017

Break News:Hargeysa: Hilib Dad Oo Baco Lagu Gurayo Oo Xaafadda Shacabka Lagu Arkay

Meel u dhaw wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa saaka lagu arkay hilbo u eeg kuwa dadka oo lagu soo guray baco, iyaga oo ay la socdeen timo dumar.
Dadweynaha xaafada ayaa goobta ku soo uruuray, waxaanay la yaabeen timaha haweenka iyo hilibka looga shakiyey dadnimo oo meel ku wada jira.
Dhacdo tan la mid ah ayaa dhawaan ka dhacday nawaaxiga xarunta CID-a ee magaalada Hargeysa, iyada oo loo malayno in hilbo dad oo la googooyey ay ahaayeen.
Sanadkii 2014 ayey ahayd markii magaalada Hargeysa ay ka soo shaac baxday gabadh inta la dilay god lagu riday, taasi oo noqotay arrin cabsi leh oo la arkay.

No comments:

Post a Comment