Tuesday, February 21, 2017

Xukuumadda Waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si jeesjees leh waxa ay ...


Xukuumadda Waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si jeesjees leh waxa ay uga hadashay Saldhigga Milatari ee xukuumadda Somaliland Magaalada Berberaka siinayso waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta iyaga oo Somaliland ku tilmaamay waddan aan jirin siyasad ahaan iyo diblomaasiyad ahaan maadaama aan la ictiraafsanayn sidaa darteed saldhig ay Milatari siiyaan oo aanu waddankiisu safaarad ku lahayn Somaliland ay ka dhigan tahay iyada oo ku dhaqaaqaysa arrin ay dhinaca maqluubka ama Opposite ka kaga imanayso iyaga oo heshiiskaasi Somaliland Imaaraadka saldhigga ku siinayso ugu maahmaahyay saan dhinaca dambe ee maqluubka ah laga soo tolayo oo aan wax dhibaato ah mooyiye aan u keeni Karin wax manfac ah.
Inkasta oo Jamhuuriyadda yare e Jabuuti ay ugu yaraan inta la og yahay 7 Saldhig oo Milatari dhulkeeda ka siisay dalal shisheeye oo waliba qaarkood yihiin kuwo quwado waaweyn ah haddana waakuwan heshiiskii jujuubka ahaa ee xukuumadda Somaliland dalka ku keenayso cidamada Imaaraadka ku tilmaamay kuwo aan dalkan faa’iido u lahayn taa baddalkeedana khasaare weyn laga filan karo.

No comments:

Post a Comment