Waxaa weerar lamid ah Kii lagu qaaday Fariisinta Cee Cade Ay Ciidanka Kenya ku lahaayeen ayaa waxa uu saaka ka dhacay Deegaanka Kulbiyoow Ee Xuduuda Soomaaliya ku taalla.
Ilaa hadda waxaa aad uyar in la helo Xog dhameystiran oo ku aadan weerarkaasi Kulbiyoow balse Al Shabaab iyo Kenya ayaa saraakiil ukala hadashay ay faah faahin hordhac ah bixiyeen.
Telefishinka KTN Ee Kenya laga leeyahay ayaa si kooban goordhaweyd warbixin laga baahiyey waxa uu sheegay in Al Shabaab sargaal uhadlay ay ka hayaan 57 Askari inay dileen oo Ciidanka Kenya ahaa.
Waxa Warbixinta Tvga KTN sidoo kale lagu sheegay in Afhayeen uhadlay Ciidanka Meliteriga Kenya uu sheegay in weli Khasaaraha aysan ogaan karin balse waxyeelo inay jirto uu cadeyn karo.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA KTN TV LAGA BAAHIYEY
No comments:
Post a Comment