Dhulgariir ku dhuftay gobolka Aceh ee dalka Indonesia ayaa dilay ugu yaraan 97 ruux, sida ay sheegeen saraakiisha millatarigu.
Cabirka
dhulgariirka ayaa lagu qiyaasay 6.5, dhismeyaal badan ayaa burburay
waxaana laga cabsi qabaa in ay dad badan ku hoos xayiran yihiin burburka
hoostiisa.Illaa iyo hadda 97 ruux ayaa laga cabsi qabaa in ay geeriyoodeen.
Afhayeen u hadlay hay'adda masiibooyinka ee dalka Indonesia ayaa sheegay in in-kabadan 200 oo dukaammo iyo guryo isugu jira ay ku burbureen dhulgariirka ayna ka mid yihiin 14 masaajid.
Isbitaal iyo iskuul ayaa sidoo kale waxyeelo wayn soo gaartay.
2004-tii dhulgariir badda hoosteeda ka dhacay oo ku dhuftay xeebaha Aceh ayaa sababay tsunami waxaana Indonesia oo kali ah kaga dhintay 160,000 oo ruux.
No comments:
Post a Comment