Qarax loo adeegsaday gaari ayaa ugu yaraan 21 qof ku dilay magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Dadka ku dhintay waxay isugu jiraan shacab iyo boolis. weerarkana wuxuu dhacay xilli ay meesha mashquul ahayd.
Sidoo kale qaraxa waxa ku dhaawacmay 48 qof sida uu BBC-da u sheegay madaxa gawaarida gurmadka degdeg ah ee Amiin Ambalaas, Dr Cabdiqadir Cabdiraxman Xaaji Adan.
Qaraxa ka dib xabad ayaa laga maqlayay nawaaxiga dekadda magaalada Muqdisho.
Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi.
No comments:
Post a Comment