Sunday, November 20, 2016

Shansano iyo Jacayl Dhaba Bye. Wariye Axmed faahiye


Shansano iyo jacayl dhab ah waa qiso xiisa badan waxaa inoo soo koobaya Wariye Axmed faahiye. Goobtu waa caasimada somaliland Ee hargeisa dhamaadkii sanadkii 2011. Midka mid ah gobaha waxbarasho ee kuyaal caasimada ayaa uu waxka baranjiray waxaa uu ahaa wiil aad udedaal badan intabadan ma uu lahayn wax habsan ah. Waxaa uu diirada saari jiray waxkasta oo ay dani kasoo galayso waxaa uu ahaa mid keli socod ah. Zaki ayaa ayaa inta badab wakhti giisa ku bixin jiray waxbarasho iyo in uu horu mar gaadho maa daama uu ku soo bar baray nolol cidhiidhi badan. Waxaa iyana jiray qaar ka mid ahaa ardayda ay isku galaask ahaayeen kuwaaso inta badan kadelban jiray waxkasta oo caawi maad ah dhinaca casharada Intaa kadib markii suu soo dhamaaday kooraskii wax barasho ayaa laysugu soobaxay malinkii xafladii taasoo qofkastaana dhankiisa siwayn isaga soo dhisay. Zaki oo ahaa wiil aad u xariif ah ayaa dhankiisa sifiican isku soo dhisay soona xidhay labis aad u shidan iyo camera HD ah. Waxaa toos u bilaabantay xafladii abaal marino iyo hadyado kadib waxaa loo guda galay bogo xusuus reebka Ee sawirada maadaama ay soo wada waateen wakhti dheer zaki ayaa ahaa wiil si wayn uga dhexmuuqday xafladaasi iyo Cameradiisa oo noqotay mida kaliya ee xafladaasi soo afjartay. Xafladii ayaa soo xidhantay waxaa gacantiisa soo galay sawiro iyo inuu masuul ka noqodo waxyaabaha lagu xasuusan doono course kaasi sikastaba ha ahaatee Qaar kamida hablii ayaa ka codsaday in uu siiyo Numberkiisa si ay ula soo xiriiran madaama uu ahayo muuqaalka iyo sawirada xafladii oo dhamays ah. Zaki kama baykhaylin sifudud ayauu uguqoray. Mudo laba maalin kadib ayaa waxaa iska soo daba dhacay Telephone ka kuwaasi oo isgu jiray rag iyo dumar. Waxba yaan hadal kugu daaline Zaki ayaa halkaasi kala amba qaaday xidhiidh ku dhisana jacayl iyo walaaltinimo midka mida ahayd hablihii dugsiga sida gaarka ah uga dhex muuqday. Waxaa toos ugu bilaabmay xidhiidh jacayl iyo in aya wadaa qaataan saacado badan gaar ahaan habeenkii. Zaki ayaa siwayn uga helaya isl mar ahaantaana aad ula dhacay xidhiidhkan cusub siwayna u soo dhaweeyay gabadhan oo lagu magacaabo Juweeriya. Maalmo kadib waxaa isbedelay jawigii wiilkii zaki waxaa uu maankiisa geliyay juweeriya oo ahayd gabadhan makiisa qaaday waxaa uu galay jawi ka duwan kii uu.markii hore kujiray waxaa gabi ahaanba is bedelay habdhaqankiisa waxaa uu.markasta ka fekereyaa waa juweeriya. Zaki ayaa ay tahay markii ugu horay say ee uu wax jeclaado. Inta badan raga ayaa daneeya in ay noqodaan wofka keliya ee hantiya qalbiga gabadha Walow ay dumarku daneeyaaba inay noqdaan qofka ugu dambeeya Ee hanta qabliga wliilka. horaa looyiri dab nimaan kujoogsanin dambas kama fogaado. dhankastaba ka Eegoo zaki waxaa qalbigiisa ku qoran juweriya. "horaa looyiri way fududahay inaad wax jeclaato balsa way adagtahay inaad marnaba hilmaanto".
Dhamaad qaybtii 1Aad
Lasoco qaybta xigta iyo

No comments:

Post a Comment