Tareen kuwa
dheereeya ah ayaa ku qalibmay waqooyiga dalka India, waxaana shilkaasi
ku dhintay dad ay tiradoodu ka badan tahay boqol qof, halka dhaawacana
uu ka badan yahay 150 ruux.
Inta badan dadka saarnaa tareenkaasi ayaa jiifay xilliga uu shilka dhacayay oo ahayd saacadihii hore ee saaka.
Kooxaha gurmadka ayaa ku dadaalaya sidii ay dad ku hoos jira burburka usoo bixin lahaayeen.
Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay kororto, maadaama ay jiraan dad ku hoos jira burburka tareenka.
Wasiirka tareennada ee India ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo waxa dhaliyay shilkaasi.
Dowladda dalkaasi ayaa shaacisay qorshe ay ku casriyeyneyso tareennada dalkaasi, waxaana tallaabadan ay ka fajacin doontaa dad badan.
No comments:
Post a Comment