Wasiiraddaas 64 jirka ah ayaa taariikh ahaan qabtay macaan aad u daran, waxaana la dhigay isbitaal ku yaalla Delhi horraantii bishan.
Mrs Swaraj Talaadadii ayey twitter kusoo qortay in lagu samaynayo daaweyn loogu diyaarinayo qalliinka, ka dib markii ay kelli fariisatay.
Dad badan ayaa baraha bulshada degdeg ugu soo jawaabay, ayagoo ku yaboohay kelyahooda, soona raaciyey telefoonnadooda.
Wasiiraddu qofqof uguma jawaabin dadkaas, balse si guud ayey ugu mahad naqday.
No comments:
Post a Comment