Sunday, September 11, 2016

XOG : KHILAAF XALAY KA DHEX QARXAY MADAXWEYNE SIILANYO IYO GUDOOMIYE MUUSE SABABNA U NOQDEY IN DIB LOO DHIGO ISKU SHAANDHEYN SAL BALAADHNEYD

Muuse Iyo SiilanyoHargesa (FREE BOSS):-  Wararka Hada Naga Soo  Gaadhaya Qasriga Looga Arimiyo Qaranka Somaliland Ayaa Waxa Ay Sheegayaan In Habeenimadii Xalay Khilaaf Culusi Soo Kala Dhex Galay  Gudoomiyihii Uu Madaxwayne Siilaanyo U Hibeeyey Madaxtinimada Dalka Kadib Markii Uu Is Hortaagay Digreerto Uu Madaxwaynuhu Magacaabis Iyo Isku Shaandheyn Ku SamaYnayey Golaha Xukuumadiisa Isagoo Ka Duulaya Xubno Uu Kaanbaynka Musharxnimadiisa Heshiis Ku Ahaayeen Oo Uu Madaxwayne Digreetadan Ku Daray
Masuuliyiinta Digreetadan Dibada Uga Soo Baxday Madaxtooyada Somaliland In Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Laga Caydhin Doona Ayaa Waxaa Kamida.
“Wasiirka Wasarada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan”
“Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Mud. Cismaan Saxardiid Cadaani”
“Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Mud. Cali Maxamed Waran Cade”
Gudoomiye Muuse Biixi ayaa u muuqda Mid Laantuu Geedka Siyaasada Ka Saaran Yahay Isagu Gacantiisa Ku Jaraya
Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Aan Isagu Ogolayn In Khilaafkaasi Dibada U Baxayo Ayaa Si Cadho Leh Muuse Biixi Ula HadlaY Isagoo Hadalo Sarbeeban Gudoomiye Muuse Kula Hadlay.

Free Boss Blogger

No comments:

Post a Comment