Tuesday, July 12, 2016

Laba tareen oo isku dhacay Talyaaniga

Laba tareen oo rakaab ah ayaa isku dhacay koonfurta Talyaaniga iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan toban qof.
Tareenada ayaa isku dhacay iyagoo maraya hal jid, meel u dhow magaalada Andria, ee waqooyi galbeed Bari.
Masuul ka tirsan dowladda ayaa sheegay inuu filanayo in tirada dhimashada ay kororto.
Shaqaalaha gargaarka ayaa jooga goobta. Wararka ayaa sheegaya in dhowr carruur la soo bixiyay ayagoo nool.

No comments:

Post a Comment