Thursday, June 30, 2016

AKHRI WARQAD SIR AH :- WASIIRKA WARFAAFINTA SOMALIYA OO WARQADII LAGU OGALAADAY IN DIB HAWDA UGU SOO NOQDO HCTV U QORAY SHIRKADA THAICOM 5

xayir s
Moqdisho (FBB):-  wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed  Cabdi Xayir Maareeye  ayaa Sattelite-ka Thaicom 5 waxa uu qoray warqadii uu Thaicom 5 hawada dib ugu soo celiyey Telefishanka HCTV oo muddo todobada cisho ah hawadiisa uu ka saaray.

warqadan oo warbaahinta Ilaysnews.com heshay  oo qoran luuqada Ingiriisiga  ayaa waxay ku faah-faahsan nuqulka codsi iyo cabasho uu wasiir Maareeye u gudbiyey  Thaicom 5 taasi uu kuu sheegayo in HCTV uu maamul ahaan hoos yimaado xukuumadda federaalka  gaar ahaana wasaaradiisa warfaafinta sidaasi darteedna uu yahay TV xuquuq shaqo ku leh wasaarada warfaafinta Soomaaliya.
Qoraalkan waxa uu u dhignaa sidan :
“anaga oo tixraacayna warqada taariikhaysan June15, 2016 ee taasi oo qeexaysa  casbahada iyo eedaynta xoogan ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia uu kaga soo horjeedo  HCTV kuna codsanayso in HCTV  ay shirkada Thaicom 5 hawada ka saartay  marka hore waa in aanu shirkadiina arrintaasi ka xaqiijino.
HCTV waa shirkad warbaahineed oo gaar loo leeyahay  diiwaangashan kuna shaqaysa sharciga u yaalla wasaarada warfaafint ee dawlada federaalka ee Soomaaliy.
shirkad kasta oo ka aasasan gobolada kala duwan ee maamulada dalka/Soomaaliya sidaSoomaaliland   taasi oo u sharciyeysan  dawlada federaalka  Soomaaliya waxa lagu maamulaa sharci iyo heerka anshax ee u yaalla  xirfad-yahanimada ka jira Soomaaliya.
wasaarada ahaan in hawada laga saaray HTCV waxaanun ka war-helnay dhawaan balse waxaanu rajaynay cabashadan oo kale in ay nagu soo wargeliso dawlada dhexe ee Ethiopia, manay ahayn in ay arrintaasi ku dhaqaaqdo maamul goboleedka Soomaalida Ethiopia.
waxa nasiib darro ah in maamul goboleed uu isagu warqad idin soo qoro  taasina ay horseedo inaad hawada ka saartaan HCTV.
haddii aanu nahay dawlada Soomaaliya waxaa asaas noo ah xoriyada saxaafada iyo hadalka  waanaanu ballanqaadnay arrintaasi muna duqaadanayno oo aanu ka soo horjeednaa tallaabo kasta oo lagu mijo-xaabinayo nabadda , deganaashiiyaha gobolka iyo waxii kicin ku keenaya  bulshada geeska wada degan .
arrinta hawo ka saarinta HCTV waanu baadhanynaa waxaanu horgeynaynaa sharciyada saxaafada iyo xirfad anaga oo kaashanayna  dawlada  federaalka ee Ethiopia.
hadaba waxaanu shirkada Thiacom 5  ka codsanaynaa in sida ugu dhakhsaha badan ay hawada dib ugu soo celiso  telefishanka HCTV si uu  u sii wado adeegyadii uu siin jiray bulshada Soomaaliyeeed ”  .warqad
SOURCE ILAYSNEWS

No comments:

Post a Comment