Fanaanka Nimcaan Hilaac ayaa iminka qoraal ku baahiyey Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in Shirkii la qabtay shalay aanu ahayn mid sharci ah isla markaana aan la gaadhin wakhtigii Shirweynaha Kooxda waxaana uu hadalkan ku bilaabay
"Kooxda Xidigaha Geeska Waxaan ka Mid ahaa Mudo 4 Sano ah,
mudadaasi kooxdu Waxay Lahayd Sharci Iyo Qawaaniin u Dajisan.
Waxaana Maamulaayay xubno kooxda ka mid ah oo xilka ku Qabtay Doorasho kooxdu u Dhantahay.
Hadaba Saaka Waxaan Facebook-ga ugu soo Toosay Shirwaynihii xidigaha oo Qabsoomay, Balse waxa is waydiin Mudan Miyaa La gaadhay wakhtigii Shirwaynaha 3aad ee Xidigaha Geeska jawaabtu Waa Maya
Sidaa Daraadeed Shirwaynaha la qabtay ma aha shir kooxda matalaaya ee waa shir shakhsiyaad matalaya. Cidkasta oo kooxda ka mida oo Xil jecela anagaa Soo Dhawaynayna.
Kooxduna Ma aha koox Cid u Af Duuban" Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Nimcaan Hilaac
Free Boss Blogger
No comments:
Post a Comment