WAR Deg Deg:- Budhcad Uu Xalay Saqdii Dhexe Hubeeyey Maayar Muraadka Burco Oo Af Duubtay Xildhibaan Miisaan Ku Lahaa Magaalada Burco
Xildhibaan Siciid Maxamed Raage oo ka mid ah golaha deegaanka Burco ayaa xalay saqdii dhexe sida Karin loo sheegay waxa afduubtay Koox budhcad ah oo taabacsan Maayar Muraad maadaama oo uu Xildhibaanku si weyn uga soo horjeeday Maayarka Magaalada Burco
Xildhibaanka ayaa hadda Hawshiisa waxa la wareegay oo baadhitaan xoogle haya Ciidanka Booliska oo kaashanaya Sirdoon heegan ah oo Hargeysa laga diray sida la sheegay
Xildhibaanada Maayarka ka soo horjeeda ayaa tiradooda lagu sheegay In ay gaadhayaan 18 xildhibaan waxaana Maayar Muraad uu damacsan yahay in uu kala tuuro Aqlabiyadda xildhibaanada balse uma suurta galin waxaana uu hadda qorshaha ku daray in uu afduubto Xildhibaanada
FREE Boss Blogger
No comments:
Post a Comment