Boqolaal sawirro dad ku dabaalanaya xeebta, qaar kubbad ku cayaaraya iyo kuwo ku raaxeysanaya ayaa la soo geliyay bogagga internet-ka iyada oo la raaciyay calaamadda 'tweetlidopictures' oo micnaheedu yahay soo geliya sawirada Liido - waxaana ay ku muujinayaan in aanay cabsi gelin doonin weerarradaasi oo dadku ay noloshooda wadan doonaan.
Dhawr makhaayado laga cunteeyo iyo hotelo ayaa laga sameeyay meelaha u dhaw xeebta Liido tan iyo markii kooxda Islaamiga ee al-Shabaab ay isaga baxday magaalada Muqdisho shan sano ka hor.
Al-Shabaab waxay sheegtay in sababta ay u weerartay makhaayadaha ay tahay in ay yimaadaan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.
free boss blogger
Djibouti
No comments:
Post a Comment