Monday, August 6, 2018

Break News; Dad isku aruursanaya kiniisad Jigjiga ku taalla


Dad isku aruursanaya kiniisad Jigjiga ku taalla

Dadka aan Soomaalida ahayn ee ku sugan magaalada Jigjiga ayaa isku aruursanaya Kiniisad wayn oo ku taalla magaalada Jigjiga iyaga oo wata burar iyo baangado, sida ay BBC-da u sheegeen dad goobjoogeyaal ah.
Dadkan oo dhallinyaro u badan ayaa markii hore kiniisadda u tagay si ah u difaacaan maadaama oo ay jiraan kuwo kale oo la gubay.
Waddada ay kiniisaddaasi ku taallo ayaa go’an iyadoo laga cabsi qabo in ay rabshado ka dhacaan.
Dad Soomaali ah oo iyaguna is aruursanayay ayay booliisku dib u celiyeen, waxaana magaalada dhex maraya gawaari ay cod baahiyeyaal ku xiran yihiin oo dadka lagaga dalbanayo in ay is dajiyaan rabshado dambana aysan gaysanin.
Booliiska caadiga ah iyo ciidammada gaar ah ee Liyuu Booliis ayaa wadooyiinka magaalada gaaf wareegaya iyaga oo qaar ay lugaynayaan iyo kuwo kalana ay gawaari adeegsanayaan.

Oromo

No comments:

Post a Comment