Sunday, July 29, 2018

MADOO NAYSAA (10) WAXYAABOOD OO AAD U BAAHAN TAHAY INAAD ERITREA IYO SOOMAALIYA KA OGAATO

Top News;
MADOO NAYSAA (10) WAXYAABOOD OO AAD U BAAHAN TAHAY INAAD ERITREA IYO SOOMAALIYA KA OGAATO
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta safar qaadan doona saddex maalmood ku tagey dalka Eritrea, oo muddo lagu eedeyn jiray inuu taageero kooxaha argagixisada ee Soomaaliya.
Haddaba maxaad u baahan tahay inaad ka ogaato labadan dal? It
1 – Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd dalalka sida xooggan u taageeray jabhaddii EPLF ee u dagaalantay xoriyaddii ay Eritrea ka qaadatay dalka Ethiopia, oo markii hore ay ka tirsaneyd.
2 – Eritrea waxa ay xoriyad ka qaadatay dalka Ethiopia bishii April ee 1993-kii.
4 – Waxaa jira waqti dalalka Eritrea, Sudan iyo Libya ay ahaayeen dalalka kaliya ee wakiilo diblomaasiyeed ku leh magaalada Muqdisho sanadihii sagaashamaadka.
5 – Eritrea waxay si buuxda u taageertay golihii midowga maxkamadaha Islaamiga ee sanaddii 2006 qabsaday koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale sanaddii 2007, waxaa magaalada Asmara lagu aas-aasay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
6 – Eritrea waxaa lagu eedeeyey inay tagaeerto kooxda Al-Shabaab, eedyemhaasi oo ay si xooggan u beenisay.
7 –  Eritrea waxaa muddo fog loo ciqaabayey oo ay cunaqabateyn u saarneyd Soomaaliya darteed, iyo eedeeymo ku saabsan inay dhibaato ka dhex waddo Soomaaliya.
8 – Eritrea waxa ay si xooggan uga soo horjeesatay faragelintii ay Ethiopia ku sameysay dalka Soomaaliya, markii ay ciidamadeeda dagaalka la galeen maxaakiimta Islaamiga ah, 2006.
9 – Eritrea, Soomaaliya iyo Libya waa saddexda dal ee kaliya ee Afrikaanka ah ee Talyaaniga uu gumeystay.
10 – Waxaa muuqata in xiisaddii ka dhex oogneyd Eritrea iyo Soomaaliya ay sababteeda ahayd kaliya dagaalka Eritrea iyo Ethiopia, haddii dagaalkaas uu dhamaadayna ay heshiiyeen.


quote:  Free Boss 

No comments:

Post a Comment