Wali Qisadanoo Kale ma akhriday :?


Kevin Carter wuxuu
ahaa sawir-qaade u dhashay dalka Koonfur Afrika. Wuxuu sawirada u diri jirey
wakaaladaha wararka ee adduunka.
Waxaa dhacday in sanadkii 1993-kii uu shaqo u tagay
dalka Sudan oo macaluul aad u daran ay ka jirtay dabeedna Wuxu la kulmay inan
ama gabar yar oo markii ay socon kari wayday jidka lagaga tagay. Waxaa isla
goobta ku sugnaa gorgor sugayey inta naftu si fiican uga dhammaanayso ama uga
baxayso gabadha yar, si uu u cuno.Kevin wuxuu qaaday sawirkan hoos ka muuqda oo ka
mid noqday sawiradii ugu saameynta badnaa adduunka. Sanadkii 1994-kii ayuuna
helay abaalmarinta "Pulitzer Prize" ee sawirqaadista lagu bixiyo.Markii sawirka gabadha yar uu adduunka ku
faafay-ayaa dad badani la soo hadleen warbaahinihii kala duwanaa ee sawirka
daabacay, iyaga oo waydiinayey in inantii ama gabadhii la badbaadiyey iyo halka
ay ku danbeysay. Markii Kevin la
waydiiyey, wuxu sheegay in uu halkii kaga tagay.Bishii luulyo 27-keedii Sanadkii 1994-kii ayuu
Kevin nafta iska qaaday oo is diley isagoo 33 jir ah, kadib markii uu ka seexan
waayey dareenka ah in uu gef ka galay bani aadamnimada.FG: waa marxalad lamid ah tan hada kajirto Dalkeenii
Hooyo.Fadlan Wariye caawi intaad baahin dhibanaha :
Bye the Free Boss BloggerðŸ˜.
No comments:
Post a Comment