Sunday, February 19, 2017

[Deg Deg ]:- Dawlada Jabuuti Oo Si Adag Uga Digtay Dhibaatooyin Ka Dhalan Kara Saldhiga Military Ee Dawlada Imaraadka Laga Siiyey Berbera

Jabuuti (free boss ):- Dawlada aynu jaarka nahay ee Jabuuti ayaa waxaa ay markii ugu horeysay
ay ka hadashey saldhiga Military ee dawlada imaraadka laga siiyey magaalada Berbera .




Waxaana ay dawlada Jabuuti xukuumada Somaliland uga digtay dhibaatooyin ay saldhigaasi ka dhaxali karto , isaga oo tusaale u soo qaatey hadii ay dhibaatooyin ay geystaan ciidamadaasi in aanay jirin safaarad imaaradku leeyahay oo Somaliland ku taala oo looga ashkatooto"Wadankan aynu jaarka nahay ee Somaliland hadii aynu tusaale u soo qaadanayo , kolkaad aragto wadan aan meeshii deganeen , oo siyaasad ahaan maqan kolka uu ciidan uu keeno hadii ay dhibaato dhacdo yaa lala sheekaysan doona oo sidee baa wax looga qaban doona , lakiin Jabuuti hadii aad eegto Mareykan baa nala jooga oo safaarad Mareykan ah baa nala joogta , ciidan German ah baa nala jooga , safaarad German ah baa nala joogta " ayuu yidhi
Image may contain: one or more people and text

Sidoo kale waxa uu Dr Ismaciil Waceys oo ah La taliyaha arimaha dhaqalaaha ee madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geele oo isagu arintani ka hadley waxaa uu ugu baaqay Somaliland inta ay is qoomameen laheyd marka ay ciidamadu soo deegan in ay iminka arintaasi ka sii fikiraan
Dhinca kale waxaa uu sarkaalkan ka tirsan xafiiska madaxweyne Geele uu banaanka soo dhigay faa,idoyinka ay dawlada Jabuuti ka hesho saldhig yada dalkeeda ay ka siisay dawlada caalamka iyo qaabka ay u siisay

No comments:

Post a Comment