Monday, February 27, 2017

BREAK NEWS:- Nokia 3310 oo 17 sano ka dib lagu soo celiyay suuqa




Nokia 3310
Image captionNooca cusub ee Nokia 3310 waa la casriyeeyay

Telefoonka Nokia 3310 ayaa markale maanta la billaabay.
Telefoonkaasi ayaa 17 sano ka maqnaa suuqa ka dib markii la soo saaray noocyo kale oo casri ah.
Dad badan waxay u arkaan inuu ahaa telefoon aad u wanaagsan oo adkeysi lahaa. in ka badan 126 milyan oo xabo ayaa la iibiyay ka hor 2005-tii.
Telefoonka Nokia 3310 oo la soo casriyeeyay iyo noocyo kale oo ku shaqeynaya Android ayaa suuqa mar kale dib loo bilaabay.
Mid ka mid ah Khubarada wuxuu sheegay inay ahayd "hab cajiib ah" in Nokia dib loo casriyeeyo.
  • Ma run baa in Nokia ay soo celinayso taleefankii 3310
  • Telefoonkii Hitler oo $243 kun oo dollar lagu iibsaday
  • Yahoo oo 'Hal bilyan' oo macluumaad laga xaday
  • Mashquulka telefoonka 'wuxuu sababaa walwal'
"Nokia 3310 waa markii ugu horeysay ee suuq ballaaran uu helo, waxaana jirto tiro cusub iyo Jaceyl loo hayo telefoonka", ayuu yiri Ben Wood oo ka mid ah shirkad qaabilsan la talinta dhinaca tiknolojiyadda ee CCS.
"Hadaba, Nokia 3310 waa tallaabo wanaagsan oo si caqli ah loo qaaday, waxaana fileynaa in si wanaagsan loo iibsan doono".



Nokia 3310Lahaanshaha sawirkaNOKIA
Image captionTelefoonkii Nokia 3310 wuxuu ahaa mid aad ugu adkeysta jugta iyo dhaawacyada kale

Waxaa sidoo kale munaasabadda oo ka dhacday Barcelona lagu shaaciyay telefoono.
LG, Huawei iyo Lenovo ayaa dhankooda xafladda ku soo bandhigay qalab cusub oo ay soo saareen.



Nokia 3310
Image captionNooca cusub ee 3310

Noocyada kale ee Nokia ay shaacisay waxaa ka mid ah Nokia 6 Android oo ah nooc casri ah.



Nokia 6Lahaanshaha sawirkaNOKIA
Image captionNokia nooca cusub ee ay shaacisay ee casriga ah ee Nokia 6
Shirkadda HMD ee soo celisay Nokia 3310 waxay sidoo kale soo saartay seddaxdan nooc ee kaleLahaanshaha sawirkaNOKIA
Image captionShirkadda HMD ee soo celisay Nokia 3310 waxay sidoo kale soo saartay seddaxdan nooc ee kale
Arto Nummela
Image captionArto Nummela wuxuu doonayaa in HMD ay noqotay shirkadda ugu telefoonada wanaagsan caalamka

  • Teleefoonkii Hitler oo lagu xaraashayo Mareykanka
  • Mashquulka telefoonka 'wuxuu sababaa walwal'

No comments:

Post a Comment