Break News: Kaaliyihii dhanka ammaanka ee Trump oo is casilay
Kaaliyihii dhanka
ammaanka ee madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa isu casilay
xiriirkii uu Ruushka la sameeyay, sida uu shaaciyay Aqalka Cad ee looga
arrimiyo dalka Maraykanka.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald
Trump ayaa wakhti aan fogayn sheegay "in uu qiimaynayo" xiriirkii uu
kaaliyihiisa dhanka ammaanku la yeeshay danjiraha Ruushka, sida uu
sheegay Aqalka Cad.
Michael Flynn ayaa aad loo falanqeeyay iyadoo
bartanka lagaga jiro warar sheegaya in uu safiirka Ruushka kala hadlay
xayiraadaha Ruushka saaran ka hor caleemo saarkii madaxweynaha.
Madaxweyne
ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa meel fagaare ah ku diiday
eedaymahaas isaga oo u hadlaya Michael Flynn oo ah jeneraal hore oo
shaqada ka fariistay.
Flynn ayaase Aqalka Cad u sheegay in laga yaabo in laga wadahadlay xayiraadaha Ruushka saraan.
Flynn
ayaa ka raaligeliyay madaxweyne ku xigeenka jahwareerka ku saabsan
wadahadalkii uu la yeeshay safiirka Ruushka Sergei Kislyak.
Lahaanshaha sawirkafbbImage caption
Politico ayaa ku waramay in Jared Kushner oo dhanka
midig ka muuqda oo ah wiilka uu sodogga u yahay Trump in uu doonayo in
uu badalo Michael Flynn oo bidix ka muuqda,
Waa sharcidarro in shaqsiyaaad muwaadiniin ah ay si
iskood ah faraha ula galaan dublamaaasiyadda Maraykanka, taleefanadaasna
waxay ku aadanaayeen dhamaadkii sanadkii hore ka hor inta aan Flynn loo
magacaabin in uu maamulka ka mid noqdo.
Donald Trump oo ammaanay Madaxweyne Putin
Trump oo weeraray Soomaalida Minnesota
Saxaafadda oo si caro leh ugu jawaabtay Trump
Afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer ayaa galinkii dambe ee Isniintii sheegay "In madaxweynuhu qiimaynayo xaaladda".
Lahaanshaha sawirkafbbImage caption
Danjiraha Maraykanka ee Ruushka Sergei Kislyak
(midig), oo kula kulmaya madaxweynaha Ruushka Dmitry Medvedev meel u
dhaw Mosko sanadkii 2009
Waa maxay aragtida madaxweynuhu?
Trump
wali meel fagaare ah kagama uusan hadlin arrintan muranka dhalisay,
laakiin Flynn ayay Sabtidii iyo Axaddii isla joogeen Florida.
Flynn
ayaa sidoo kale ka soo muuqday safka hore ee shirkii jaraa'id ee
madaxweyne Trump iyo ra'iisalwasaaraha Kanada Justin Trudeau ay qabteen
Isniintii.
Lahaanshaha sawirkafbb
Trump oo labo saxafi siiyay fursad ay su'aalo ku
waydiin karaan ayaan su'aaasha Flynn la waydiinin sidaas ayuuna kaga
baxsay jahwareerkan taagan.
Afhayeenka Aqalka Cad, Sean Spicer
ayaa la waydiiyay in madaxweynuhu uu ogaa in Flynn uu safiirka Ruushka
kala hadlay arrimaha xayiraadda, Spicer ayaana yiri "maya, arrintaasina
sinaba uma dhici karto".
Lahaanshaha sawirkafbbImage caption
My Flynn ayaa sawirkan laga qaaday 2015kii isaga oo la cashaynaya madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin
No comments:
Post a Comment