Monday, January 23, 2017

Qiso Xanuun Badan: Waxaan Ahaa Qalanjo Alle Qurux Ku Manaystay, Mana Aan Guursadeen Hadan Ogahay Tan HAdda Igu Dhacday..!! BUT Free Boss

RUNTII MAAN GUURSADEEN!.waxaan ahaa qalanjo alle qurux ku manaystay,waxaan ahaa gashaanti ilaahay joog dheer iyo hilib iskugu daray,indho waaweyn oo midab cadi ku lamaanyahay ayaan lahaa, oo adeerkay ibraahim alle ha u naxariistee ayaa iigu yeedhi jiray INDHO DEERAALEEY, waana magaca xaafadda iyo qoyska aan ka dhashay layga yeedhi jiray. Intaa waxaan ku darsaday quruxda dhaqanka iyo akhlaaqda oo aan alle uga mahadnaqo. Runtii xaafadda aan deganaa bulshadda ku nool,amaan iyo wanaag ayay igu sheegi jireen dhab ayaanay ahayd. Xili casar gaab ah oo ay cadceedu godkeeda usii guclaynayso oo shaacu soo madoobaanayo ayaa waxa igu soo dhacay taleefanka gacanta. Waa aabo ka qabtay waxa uu ii sheegay in aan hore usoo dhaqsado maanta. markaa waxaan kasoo rawaxay dugsi aan af-afka ku baran jirey .yaab!dareen ayaan qaatay weliba dareen fog,wax badan ayaan maleeyey ,waxbadana waan isweydiiyey. Runtii noloshayda hasaawe iyo shukaansi maan gelin waqtina kumaan fekerin hase ahaatee waxaan inta badan ku fekeri jiray lamaanka aan nolosha la wadaagi doono astaamaha aan ku xulan doono iyo qaabka nolosha macaan ee guurka aan u daadihin lahayn ileen waa jano guurku markuu yahay mid guuleystey,haa waa runtaa anaa taa kaaga marag ah. Guurka marka lamaanuhu mid kastaa daryeelo lamaankiisa kale ,koolkooliyo,ka dhawro hadimadda,la wadaago dheefta iyo waayaha,layska dugsado dhibaatada iyo murugada markaas ayaa la helaa macaanka guurka.socod gaaban oo baqdini ku jirto ayaan ku imi hoygii ama gurigii. Albaabka markaan saa udhaafaya ayaan dareemay in maanta ani laysoo geed fadhiistay,layna soo doonay,aad ayaan uga naxay warkaa waayo:riyaddi quruxda badnayd ee aan hoyga uga dhigay qalbigayga kuna sabay laabtayda kuna sii dhisay afkaartayda ee ku saabsanaa sida iyo muuqa aan ka doonayo yagleedida guriga mustaqbalka iyo suu noqon doono ayay tan caawa dhacday mugdi iga gelinaysaa,weliba god madow ayay igaga ridaysaa. Inan soomaaliyeed ayaan ahay,dhaqankayga ad-adag ee qalafsan ee sida diinta loo aaminsanyahay ,qofkii khilaafaana danbiile yahay ee aan hadana qornayn,marka arrinku noqdo guur waxa is arka oo go’aamiya mustaqbalka odayo aanad maanta mooyee weli hore aanad u arag oo aniga iyo isaguba waxba ka garanayn. lagu weydiin maayo: RAALI MA KA TAHAY?MA KUU QALMAA? XILKAAGA MA QAADI KARAA? da’ahaan MA ISKU DHOWDIHIIN? AKHLAAQ IYO DIIN MA LEEYAHAY? MA KU DHIQI KARAA?. Haa lagu weydiin maayo ,oo haddii lays weydiin lahaa furniinku sidan uma bateen,gaabsiguna xadhiga ma goosteen,ana sidan ugama baqdeen guur, waa khasab iyo sandule inaan aqbalo oo hawraarsan aan idhaahdo oo dhaqan geliyo sharcigan aan qornayn ee bulshadaydu u taqaano DHAQAN ana u aqaano DHAGAR .hawraarsan idhi,guurkaygii lagu farax,layna aroos,aqalna yeeshay,marwana noqday. Waxa guurkaygii kasoo wareegay muddo sanad ah,ninkaygiina xilkiisii kama soo bixin,haddaan ogahayna in arrimuhu sidan noqonayaan maalintaa waxaan madasha iyo odayaasha kula garnaqsan lahaa su’aalahan: MIYUU II QALMAA? XILKAYGA MA QAADI KARAA? AKHLAAAQ IYO DABEECAD MA LEEYAHAY?DIINA MA LEEYAHAY?DA’AHAAN MA IS LE’EGNAHAY MANA ISKU DHOWNAHAY?. hadii kale runtii maan guursadeen? Share this:

No comments:

Post a Comment