Monday, January 23, 2017

DONALD TRUMP? – Inuu Kasoo Muuqday Filim GALMO Ah, Hantida Uu Heysto & Macluumaad Ku Saabsan Madaxweynaha USA

Shacbiyadda Mareykanka ayaa isku khilaafsan sababta Donald Trump loogu doortay madaxweynihii 45aad ee Mareykanka, sababtoo ah 70 sanno jirkaan waa nin shaqsi ahaan aad u dhaqan xun kuna darso inuu yahay nin qowlkiisu qodxo leeyahay. Dadka sida weyn u dhaleeceeyey Donald Trump ayaa waxaa ka mid ah taageereyaasha Hillary Clinton, oo uu kaga adkaaday Kursiga laga maamulo Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee, shabakadda Filimside ayaa idiin soo bandhigi doonta waxyaabo ka qarsoon akhristeyaasheeda oo ku saabsan madaxweynaha USA Donald Trump. Trump ayaa noqday shaqsigii ugu horreeyey ee madaxweyne ka noqday Mareykanka isagoo kasoo muuqday filim galmo ah. Madaxweynaha haatan ee United States of America ayaa sannadkii 2000 kasoo muuqday filim galmo ah oo la sameeyey, shabakadda BuzzFeed News ayaana muuqaallo ku saabsan bannaanka soo dhigtay bishii September ee sannadkii lasoo dhaafay. CENTERFOLD ayaa loogu magac daray filimkaas waxaana sameynayey laba gabdhood oo mataano ah kuwaasoo aad usoo jiidasho badan wuxuuna ahaa filimkii ugu horreeyey ee galmo ah oo uu kasoo muuqday Trump. Hase yeeshee, Trump muuqaal galmo uu sameynayo kuma uusan laheyn filimkaan wuxuuna ku lahaa muuqaal yar isagoo la ciyaaraya labadaas gabdhood oo qaawan iyaguna istaabanaya marka ay soo booqdaan New York City. Si kastaba ha ahaatee, bishii July ee sannadkii tegay, ninka laga soo doortay Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa wuxuu saxiixay ololaha ENOUGH IS ENOUGH isagoo ku dhawaaqay inuu Mareykanka ka suulin doono shirkadaha sameeya aflaanta galmada ah haddii uu doorashada ku guuleysto, majaladda Washington Examiner ayaana daabacday warbixintaan. 20kii bishaan Janaayo oo ku beegneyd maalin Jimco ah ayaa Trump si rasmi ah loogu caleemo saaray madaxweynaha Mareykanka. 70 sanno jirkaani wuxuu ka mid yahay ganacsatada ugu taajirsan Mareykanka waxaana hantidiisa lagu sheegaa 3.7 bilyan oo dollars.

No comments:

Post a Comment