Wariyada caanka ee reer Hargeisa Sagal Mustafe Xassan Nuur ayaa u
hanjabtay cid walba oo isku dayi doonta inay joojiyaan showga ay
fanaanada caanka ah ee Farxiya Kabayare ku dhigi doonto Hargeisa iyadoo
balan ku qaaday inaan cid ka hor joogsan doonin, Waxaana sidoo kale la
joogtay markay hadalkaas lahayd Bushaaro Baande oo hadalka ku waafaqday
sheegtayna inay jeegantu wado oo showgas qalalaase laga galin doonin
(Jeeganta oo ah magac suuqi ah oo loo yaqaano Labada beelood ee Habar
Jeclo iyo Sacad Muuse oo ay kasoo kala jeedan Sagal & Bushaaro). kasoo kala jeedan Sagal & Bushaaro).
Waxaana xusid mudan inay hadalkooda dad
badan u fasirteen Kooxda Xidigaha Geeska oo hore sabab ugu noqday
baaqashada labadii show ee hore ee Nasteexo Indho iyo Showgii Ahmed
Biif.
No comments:
Post a Comment