Dowladda Itoobiya ayaa ku
dhawaaqday seddax maalmood oo baroor-diiq qaran ah ka dib markii 52 qof
ay ku dhinteen isbuurasho ka dhacday goob lagu cibaadeysanayay oo ku
taalla gobolka Oromiya, Axaddii.Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa eedda, dadkii ku dhintay isbuurashada ka dhacday gobolka Oromiya, dusha kaga tuuray dad 'Nabad diid' ah.
Mucaaradka ayaa sheegay in ugu yaraan 100 qof halkaasi lagu dilay markii booliska uu kala ceyriyay dadkii mudaharaadka dhigayay.
Inta badan dadka dhintayna waxay ku dheceen godad halkaasi ku yaalla, xilli ay isku dayayeen inay goobta ka baxsadaan.
Dadka mudaharaadka samaynayay ayaa gacmahooda oo is-dhaafsan kor u taagayay, taasoo astaan u ah dibed baxyada ay dhawaan wadeen qowmiyadda Oromada.
Rabshadaha dhawaan ka dhacayay Itoobiya ayaa salka ku haya qorshe ay dowladdu shaacisay November-tii hore, kaasoo caasimadda Addis Ababa loogu ballaarinayo qeybo ka mid ah gobolka Oromiya.
Beeraleyda qowmiyadda Oromada ayaa ka cabsi ka qabay in tallaabadaasi ay ka barakicin doonto beerahooda.


No comments:
Post a Comment