Deg Deg:- Wasaaradda Ganacsiga Oo Ay Isku Haystaan Laba Masuul Oo
Isku Magac Ah Mid Kastaana Isku Haysto In Uu Yahay Wasiirkii La
Magacaabay

Wasaaradda Ganacsiga ayey fooda isku dareen laba masuul oo ka soo
kala jeeda Gobolada Saxil iyo Gabiley labada masuul oo mid kastaaba
leeyahay aniga ayaa Wasiir lay magacaabay ayaa waxay ka siman yihiin
Magaca Digreetadu ku soo baxday ee "Cumar Shucayb Maxamed"
Magacan ayaa digreetadii Madaxweynaha ee Habeen hore soo baxday
waxa lagu sheegay in uu noqon doono Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo
Maal-gashiga Caalamiga ah
Hada ka hor waxay sidan oo kale ku dhacday laba shaqsi oo isla
Wasaaraddan soo maray isku magacna ahaa isla markaana isku qabsaday
Xilka Agaasimaha Guud balse markii danbe la kala saaray
No comments:
Post a Comment