Friday, August 19, 2016

Daawo Cadaynta Heesta Khadra Sinomo Qaaday Ee Xorbay Noloshu kuu tahay Cida Samaysay.



Halkan waxaanu idinku soo gudbinaynaa cadaynta cida dhabta ah ee iska leh heesta Xorbay noloshu kuu tahay ee ay dhawaan soo saartay fanaanada khadra Cabdi Sinimo,heestaasi oo qabsatay baraha bulshada maalmihii u dambeeyay.




Heestan oo siday ku soo baxday uu ku qoran yahay in uu sameeyay wiil lagu magacaabo Dhame ayaa ay dib ka cadaatay in aanu isagu heesta samayn oo uu magaciisa ku been abuurtay,isla markaasina Heesta ay samaysay oo waliba qisadeedu khusaysaa ama ay nafteeda iyo waayaheeda nololeed ka samaysay Sahlan Jamac Maxamuud oo Degan Dalka Jarmalka.
Sahlan ayaa sheegtay heestan oo oo ay laba sano ka hor samaysay muddona ay haysay ay wiilka sheegtay in uu sameeyay ugu dhiibtay fanaaniinta kala ah Khadra Sinimo ama Yurub Geenyo hadba tii uu helo mar uu safar Hargeysa u ahaa wiilka Dhame balse heesta markii uu Khadra Sinimo u dhiibay isaga laftiisii damcay oo sheegtay.

Sidoo kale waxay nala wadaagtay cadaymihii qoraaladii ay isku dhaafsadeen barta Facebook-ga markii ay Heesta u diraysay.











:

No comments:

Post a Comment