War Deg Deg Ah:- Dagaal Beeleed Ka Qarxay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Sanaag + Ciidankii Ugu Awooda Badnaa Somaliland Oo Ku Sugan Iyo Khasaaraha
Dagaal beeleed ayaa la sheegay in uu maanta ka dhacay deegaan u dhexeeya Damala xagare iyo shimbiraale ee Bariga gobolka sanaag'
Dagaalkan, ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dad shacab ah, iyada oo aan illaa hadda la sheegin khasaaraha dhabta ah ee dagalkaasi uu sababay, balse waxa ay dadka deegaankaasi oo la soo xidhiidhay shebekedda somalilandrise u sheegeen in uu dagalkaasi sababay khasaare naf iyo maalba leh.
Dagaalkan, ayaa inta ay wararku tibaaxayaan waxa ku dhintay hal qof, halka uu mid kalena ku dhaawacmay, iyada oo sidoo kalena ay wararku sheegayaan in ay jiraan dad la afduubtay oo ay kala haystaan labada beelood.
No comments:
Post a Comment