Waa hadalkii ugu horreeyay ee uu jeediyo hogaamiyaha cusub tan iyo markii la magacaabay bishii May ee sanadkan.
Waxa uu sheegay in Taliban aanay diidaneyn in ay ka qeyb qaadato hogaanka dalka, asaga oo tilmaamay in joogitaanka Maraykanka iyo xulafadiisa aanay wiiqi doonin iska caabinta ay wadaan dagaalyahannada jihaad doonka ah.
Wadahadallo nabadeed oo u dhexeeyay Taliban iyo dawladda Afghanistan ayaa burburay sanadkii hore, balse Maulawi Akhundzada ayaa sheegay in xafiiska uu ururkooda ku leeyahay dalka Qatar uu usii furnaan doono wadahadallada.
No comments:
Post a Comment