Maareyaha wakalada biyaha burco ayaa la shegay inuu iibiyay ka tirsan Taangiyadii kaydka biyaha burco oo dhawaan laga bedelay ka dib markii wakalada biyaha burco oo kashanaysa Haayadda IOM ay bilowday inay samayso taangiyo cusub oo ah kuwa kaydka biyaha,
Taangiyadani Kaydka biyaha ayaa mareeyuhu u iibiyay qaab iskaraab ah iyada oo aan la marinin dariqii saxda ahaa ee ahaa in hantida dowlada ee la iibinayo la mariyo sifo sharciya oo ah inay iibiyaan gudida qandaraska qaranka,
Waxaanay wararku intaasi ku darayaan in taangiyadani kaydka biyaha burco ee loo iibiyay iskaraab ahaan laga raray ceelka Kaydka Biyaha ee ku yaala xaafadda Jaaliyadda Burco,
Talabadani Uu ku Kacay Mareyuhu ayaa mid ku cusub Gobalka Togdheer waxaanay dadwaynuhu iswaydinayaan sababta ku kaliftay inuu mareyuhu iibinta hantidani umada u maro sifo sharci darro ah,
Talabdani ayaa iyadu horseed u noqon karta in masuul kasta oo xilka ka haya xukumada uu ku dhiirado inuu sifo sharci darro ah ugu takri-falo inuu hantida umada siduu doono ka yeelo,
Ugu Danbayntii dhacdadani ayaa ah ku cusub dalka waxananu dhawaan soo bandhigi donaa Dhibatada ka taagan wakalada biyaha burco ee uu ka gaabsaday inuu wax ka qabto wasiirka biyaha somaliland oo isagu maamula wakaladani.
No comments:
Post a Comment