Sunday, June 19, 2016

Big News. Dekedda Berbera oo ay la Wareegen Ciidamada RRU-da+ Halkan ka Eeg

Dekedda Berbera oo ay la Wareegen Ciidamada RRU-da+ isku dhacii Ilaaladda iyo Shirkadda Dp World oo soo Kormeeray goobo Cayiman+ Warbaahinta madaxabanaan Iyo Shaqaalaha Dekedda oo laga Hor-joogsaday
Berbera(Xogreebnews)-Xaaladda guud ee magaaladda Berbera ayaa kacsan kaddib markii ay maanta kasoo deggeen Khubuuro Eng ah oo dhalasho ahaan kasoo jeedda dalal Jayna iyo Carab. Waxana gabi ahaanba magaalada iyo jadadka soo gala iyo kuwa dhex mara la geeyey ciidamada RRU-da. 
11-ka xubnood oo laba kamid ahii ay Injineero yihiin ayaa Mitir la dhex qaaday Biyaha Haabadda Dekedda Berbera, kuwaasoo ay hareero yaacayaan Ciidamada qalabka sida iyo xubno kale oo kamid ah ku-xigeenadda Saaxil ay ku jiraan.
Geesta kale, isku dhac iyo qalaalase ayaa dhex maray Ciidamada Dekedda Berbera iyo sidoo kale Ciidamo kale oo laga diray magaaladda Hargeysa kuwaasoo ka amar qaata maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor-xoor. Waxana aakhirkii amarkoodu ka taliyey gudaha Dekedda Berbera kii Ciidamada tagay Hargeys.
Sidoo kale, waxa loo diiday inay galan albaabka Dekedda Berbera Warbaahinta madaxabanaan ee ka hawlgasho gobolka Saaxil, waxana loo ogolaaday oo keliya warbaahinta Dawladda, isla markaana waxan loo ogolayn dhaqaalaha Dekedda inay hawlahoodii shaqo gutaan.
Si kastaba ha ahaatee jawiga magaaladda Berbera ayaa ahaa mid kacsan waxana laga dheehanaayey dadweynaha gobolka oo kasoo horjeedda Saaxil.

No comments:

Post a Comment