14:52 SGA: Wasaaradda Duulista ee Masar, ayaa sheegtay in diyaarada ay heshay cilad farsamo ama mid argagixiso
13:55 SGA: Xoghayaha guud ee NATO, ayaa sheegay inay wixii caawin ah diyaar la yihiin.
13:53 SGA: Wasaaradda Gaashaandhigga Giriigga, ayaa sheegtay in diyaaradda ay badashay jihadeeda.
13:28 SGA: Madaxweynaha Faransiiska, Holland ayaa sheegay inay ogaan doonaan xaqiiqda wixii dhacay, wuxuuna sidoo kale yiri, "Waa inaan waxba la sii mala awaalin".
12:21 SGA: Qaar ka mid ah ehellada dadkii saarnaa diyaaradda EgyptAir ee la la'yahay.
12:15 SGA: Wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar ayaa soo saartay warbixin ay diyaaradda la la'yahay ku tilmaantay mid soo dhacday, taas oo ah astaantii ugu horreysay ee muujinayso in laga yaabo in diyaaradda ay soo dhacday.
11:09 SGA: Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ka soo xigtay hay'adda duulimaadyada ee Giriigga in diyaaradda la la'yahay ee EgyptAir ay ku dhacday badda koonfurta dalkaasi. Cid kale oo war noocaas sheegtay ma jirto ilaa haatan.
11:07 SGA: Madaxweynaha Faransiiska, Francoise Hollande ayaa golahiisa wasiirrada la yeeshay shir deg-deg ah oo looga hadlayo diyaaradda EgyptAir ee la la'yahay.
10:57 SGA: Ammaanka Gegida diyaaradaha ee Paris ee Charles de Gaulle ayaa la adkeeyay, iyadoo lais weydiinayo su'aasha ah waxa ku dhacay diyaaradda EgyptAir ee maqan ee ka duushay isla garoonkaasi.
10:34 SGA: Ra'iisalwasaaraha Masar, Ismacil Sharif, ayaa sheegay in ilaa haatan wax war ah laga sheegi karin halka ay ku dambeysay diyaaradda la la'yahay ee EgyptAir.
10:32 SGA: Maraakiib ayaa ku howlan baadi-goobka diyaaradda la la'yahay.
10:30 SGA: Haweeneydan waxay ka mid tahay ehellada dadkii saarnaa diyaaradda EgyptAir ee la la'yahay.
09:44 SGA: Magaalada Qaahira waxaa lagu sameeyay xarun loogu daryeelo ehellada dadkii saarnaa diyaaradda la la'yahay.
09:40 SGA: Wargeysa Al-Ahram ee dalka Masar ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee militariga Masar ay billaabeen howlo lagu baadi-goobaya diyaaradda la la'yahay.
09:34 SGA: Militariga Masar ayaa la sheegayaa inay gaareen goobta loo malaynayo inay ugu war dambeysay diyaaradda la la'yahay.
09:32 SGA: EgyptAir ayaa sheegtay in dalka Giriigga uu ka qeyb-qaadanayo dadaallada lagu baadi-goobaya diyaaradda la la'yahay.
09:29 SGA: Shirkadda diyaaradaha ee Masar ee EgyptAir ayaa sheegtay in qaylo-dhaan ay ka timid diyaaradda la la'yahay ka hor inta aysan raadaarka ka lumin.
09:19 SGA: Hay'adda duulimaadyada ee Masar ayaa sheegtay in diyaaradda raadaarka ka luntay saacadda markay ahayd 02:45 saacadda Qaahira.
09:05SGA:Madaxweynayaasha faransiiska iyo Masar, Francois Hollande iyo Cabdifataax Al-Sisi, ayaa hadlay waxayna sheegeen inay arrintan diyaaradda la la'yahay iska kaashan doonaan, warkan waxaa laga soo xigtay Reuters.
08:47 SGA: Rakaabka diyaaradda saarnaa ayaa la sheegay inay u kala dhasheen dalalka Masar iyo Faransiiska. Hal muwaadin oo u dhashay Britain ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu diyaaradda ku jiray.
08:23 SGA: Maraakiib laga leeyahay dalka Masar ayaa haatan ku sii socda bartii ugu dambeysay ee diyaaraddu ku sugnayd ka hor inta aysan raadaarka ka lumin.
08:40 SGA: Xilligii ugu dambeysay ee diyaaradda lala xiriiray waxay ahayd 10 daqiiqo ka hor inta aysan raadaarka ka lumin, wargeyska Al-Ahram ee Masar ayaa sidaasi sheegay.
08:37 SGA: TV-ga Masar laga leeyahay ee loo yeqaano ON TV ayaa sheegay in militariga Masar lagu daadgureeyay Badda Mediterranean-ka oo ah halkii ugu war dambeysay diyaaradda la la'yahay.
08:35 SGA: Shirkadda diyaaradda ee Masar, EgyptAir, ayaa sheegtay in tirada dadka saaran diyaaradda ay gaarayaan 66, oo ay ku jiraan carruur.
08:33 SGA:Diyaaradda waxay ku socotay magaalada Qaahira.
08:30 SGA: Diyaaradda ayaa la rumeysan yahay in ay ku dul luntay bariga badda Mediterranean-ka.
08:22 SGA: Wararka ayaa sheegaya in ay diyaaradda saarnaayeen in ka badan 59 rakaab ah iyo 10 qof oo shaqaale ah.
Hay'adda duulimaadyada ee Masar ayaa sheegtay in diyaarad ay leedahay shirkadda Egyptair, oo xalay kasoo duushay caasimadda Faransiiska ee Paris, la la'yahay.
No comments:
Post a Comment