Sunday, May 29, 2016

Top News:- Dowlada Jabuuti Oo War Lama Filaan Ah Ka Soo Saartay Markii U Horaysay Heshiiska Dekedda Berbera Ee Dhex Maray Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta

Free Boss Blogger
Top News:- Dowlada Jabuuti Oo War Lama Filaan Ah Ka Soo Saartay Markii U Horaysay Heshiiska Dekedda Berbera Ee Dhex Maray Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta

Wasiirka Maaliyadda dowlada jabuuti Ilyas Muuse Dawaleh, auaa sheegay in heshiiska dekedda Berbera iyo imaaraadka carabtu aanu wax dhibaato ah ku keenayn dekedda Djibouti ee dalkiisa taas oo bedelkeedna wuxuu ku dooday wasiirku in dekedda berbera ay dhamaystir u tahay dekedda Djibouti

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti oo habeen hore bartiisa twitterka su'aalo lagu waydiinayey ayaa saxafi Cali Jibril Xirsi oo ah suxufi reer somaliland ahi wuxu
u Wasiirka Waydiiyey in heshiiska dekedda berbera uu khatar ku yahay dekeda iyo dalka Djibouti waxaana wasiirka Maaliyadu u jawaabay " maya habayaraatee Djibouti ahaan waxaanu rumaysanahay in Berbera ay dhamaystir u tahay Djibouti waxaanu doonaynaa Somaliland oo horumarta" ayuu yidhi Wasiirka oo intaas sii raaciyey " Somaliland waxaanu wadaagnaa wax dekedda ka weyn waxaanu leenahay yool midaysan oo aanay ciddina dhaawici karin" ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Wasiirka Maaliyadda Dowlada Djibouti





Free Boss Blogger 

No comments:

Post a Comment