Shilkan naxdinta badan ee saaka dhacay ayaa ahaa mid ay isku galeen laba gaadhi oo ahaa kuwa loo yaqaano booyadaha ee iyagu biyaha kasoo qaada degmada awbarkhadle isla markaana keena caasimada hargeysa.
Wali ma cadda tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca dadka. Waxaana markiiba meesha gaadhay ciidamada ilaalada nabadgaliyada wadooyinka ee traffic-da.
Maydka iyo dhaawaca dadka shilkani ku dhacay ayaa loosoo qaaday cusbitaalka wayn ee magaaalada hargeysa iyada oo dadkii ku dhaawacmayshilkaasna xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka.
Gabagabadii Waxa mudooyinkii u danbeeyey soo badanaya shilalka baabuurta iyaga oo sababaya khasaare iskugu jira mid nafeed iyo hantiyeedba walina ma jirto talaabo cad oo ay xukumaddu ka qaaday darawaliinta iyagu xawaaraha sare ku wada gawaadhida.



No comments:
Post a Comment