![]() |
| Free Boss Blogger |
Maalinba maalinta kadambaysa waxaa dalka kaxamaan qaata
kumnaan dhalin yara ah kuwaas oo uhayaamaya wadama reer galbeedka. Dhalintan yaa ahayd
mustaqbalka dalk Somaliland uu kutaamayo laakiin taasi waxa ay noqotay wax lagu
hungoobay. Xukumada uugadhwadeenka kayahay Mr. silaanyo yaa noqotay mid
kufashilantay wax uqabashada dhalinyarada Somaliland taas oo ay ahayd waxa
uguwayn ee ay tar tanka kugashay sandkii 2010 olole aan caadi ahayn ay
kumutaysaatay codad xad dhaaf gudaha Dalka Somaliland. hadaba waxa jira wakhtiyada qaarka
mida xukuumada Somaliland ay ku socdaalaan baastaboorka dowlada fadaraalak
Somalia taasina ay caqabadwaynku tahay dhinca Somaliland , wakhtigii ay haysay
xilaka xukuumadii rayaale ayay ahayd markii ay kutageen wadanka maraykanka
baastaboorka Somaliland halkaasina ay kaga qayb galee shir looga hadlayay
armiha Africa iyo kuwa Somaliland balse hada waxa aad moodaa in uu can ka
noqday gudaha wadanka somalilland isla baastaboorka somlia isla markaana lagu
sameeyo caasimada Somaliland Ee Hargeisa isla mar Ahaantaana ay jirin cid
waxaka qabata howsahaasi iyada ah samaynta baastaboorka Somalia. Sanadkii 2008
ayay ahayd wakhtigii uu ahaa mucaaridka xisbiga kulmiye kuna eedeeyay
xukuumadii udub in lagusameeyo gudaha wadanka baastaboorka Somalia. Kulmiye ayaa
waxa uu meelabadan kalamid noqoday xisbigii uu kaguulaystay taaso markaa
tilmaamijiray in uu waxbadan kabadali doono hadii xilka uu kuguulaysto.
Xukuumada Somaliland waamid loosoodoortay hanaanka caalamka oo kale. Maamulka
Siilanyo waxaa looga fadhiyaa in laga
arko wax qabad muuqda in kastoo aanay dadaallkeedu xumayn. Maadaama ay tahay
mid loosoodoortay Hanaanka democratic-yada ah kaasoo tilmaamaya in ay lamidobo hanaanka
caalamka oo kale. Sidookale waxaa jira waxqabadaka xukuumadu ku hungooday in ay
gaadho ayaa iyana jira qaar aan lasoo koobayn. Sikastaba ha ahaatee xukuumadan
ayaa lafilayaa in ay soo bandhigto waxqabadmuuqda laguna qanco sida ay qabaan
shacabka Somaliland oo ah dad ubislaaday horumar islamarkaan garanay wada
toosan taasoo aad hada moodo in xukuumadu kaleexisay dariiqada horumarka.
Sacabka Somaliland ayaa waxa ay uga fadhiyaan xukuumada in si dhakhso ah loo
helo ama loogadho aqoonsi caalami kasoo ah in dunida caalamka aan lamidnoqo
Somaliland. Dhinacakale xisbiga kulmiye ayaa ahaa mid siwayn ubalan qaaday in
uu keeenidoono aqoonsi Caaalami ah. Balantaas oo hada aad moodo mid meesha
siwayn looga saaray, hasayeeshee qodobkan ayaa ah mid ay siwayn shacabka Reer
Somaliland ugu dhagtaa gayaan isla markaan aad moodo wakhti xaadirkan mid aan
xilbuuran aan la iska saarin. Xukuumadan oo ah mid wakhtigeedu galbaday iyo waxqabad ka aysoo ban dhitay
aanay islahayn. Xukuumada ayaa shaacisay in ay buuxisay boqolkiiba 70baatan
baahiyaha shacabka Somaliland.iyo waxqabad muuqda.waasida ay Hadalka
udhigeene.ah udubna ay xilka uga tuurtay. Sikastaba ah ahaatee dhalintan ayaa
maalin kasta waxaa jaamacadaha kaqalinjabiya kumanaan araday kuwaas oo shaqo
la’aan qaar kood gidarada fadhiyaan halka qaar kalena badaha ay kudaateen.
Xamaasadihii xukuumada ugu waa waynaa waxa siwayn looga xasuustaa wxaa kamid
ahaa ”hatahriibin walaal udub way tagaysaaye” kuwaas oo kuwa ugu xaunuunka
badan hada qofkasta marka uu xasuusto samayn wayna qalbigiisa kureebtay. Maaha
mid aan halkan kusoo koobikarno fashilaada kala daristay xukuumada waxqabadka
dhalinyarada hase ahaatee waxaa jira waxyaabo badan oo ay xukuumadu ku
guulaysatay in ay gaadho kuna taamayso manta. Xukuumadan ayaa waxa ay hada
jirtaa mudo dhan 5sano iyo in kabadan taasina ay ahayd 5sanadood Ee ugu
tahriibta badnayd marka loo eego wakhtigii ay jirtay xukuumadii mr. rayaale.
Dhinca kale hadaynu eegno waxaa iyana jira isku socodka wadamada caalamka
Somaliland waxa ay leedahay baasta boora canka ah laakiin ay muuqato inuu
waayay dwoladii horu marinlahayd.
Free Boss Blogger


No comments:
Post a Comment