Free Boss Blogger |
Apple ayaa sheegtay
inay iskaga difaacayso amar lagu siiyay inay caawiso baaritaan ay
samaynayaan FBI si ay u ogaato xogta ku jirta telefoon uu lahaa Syed
Rizwan Farook, oo isaga iyo xaaskiisa ku dilay dad San Bernardino.
Shirkada
Apple ayaa lagu amaray inay ka caawiso FBI, in la furo iPhone-ka Farook
oo ay FBI sheegtay inay ku jiraan xog muhiim ah.Hadal uu soo saaray madaxa Apple ee Tim Cook ayuu ku sheegay "Dowladda Maraykanka ayaa waydiisatay in Apple ay qaado talaabo aysan horay u samayn oo qatar ku ah ammaanka macaamiisheena"
"Waan ka soo horjeednaa amarkan, taasoo saamayn ku yeelanaysa wax ka badan dacwadan hadda socota"
Hadii uu qofka telefoonkiisa uu xirto, qofkaas oo kaliya oo haysta furaha telefoonka lagu xiray ayaa arki kara ookaliya.
Hadii la galiyo toban jeer number qalad ah oo aan ahayn numberka saxda ah ee telefoonka lagu xiray telefoonka ayaa kaligiis is tiraya wixii ku kaydsanaa.
Apple ayaa sheegtay shaqaalahooda xataa ma arki karaan waxa ku jira telefoonka- talaabadan ayaa shirkada ay qaadatay kadib markii ay soo baxday fadeexadii uu soo shaac bixiyay Edward Snowdon oo ku saabsanayd sida ay dowladda dadka u dhagaysato.
No comments:
Post a Comment