Saturday, January 30, 2016

Madaxda Afrika oo Addis Ababa ku Kulansan

Tobaneeyo madaxda Afrika ah ayaa Sabtida maanta ah ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan furitaanka shir madaxeedka Afrika.
 
Madaxweynaha Zimbabwe, ahna guddoomiyaha ururka ee xiligan Robert Mugabe ayaa furay shir madaxeedka. Sanadkan waxa shirku uu diiradda saarayaa xuquuqda aadamaha ee qaaradda.
 
Qalalaasaha ka taagan dalka Burundi ayaa ah ajendaha ugu weyn ee shirka. Midowga Afrika ayaa qorsheynaya inuu dalkaas u diro 5 kun oo ciidan nabad ilaalineed ah, si ay u xakameeyaan dagaal sababay dhimashada tiro ka badan 4 boqol oo qof. Dawladda Burundi ayaa sheegtay inay la dagaalamayso ciidanka ajnabiga ah, haddii ay isku dayaan in dalka yimaaddaan.
 
Xiisadda siyaasaddeed ee dalkaas ayaa bilaabatay bishii April ee sanadkii hore, markii madaxweyne Pierre Nkurunziza uu sheegay in uu mar 3aad xilka u tartamayo, arrintaas oo muran dhalisay. Hay’adaha xuquuqda aadamaha ayaa dawladda u jeediyey dhaleeceyn ku aaddan gacanta adag ee ay kala hortagto warfidiyeenada iyo dadka dibadbaxaya, si ay afka u qabato mucaaradnimada siyaasadeed ee lagala soo horjeedo.


Free Boss Blogger

No comments:

Post a Comment