Tuesday, January 26, 2016

Daawo Sawiradda Gudoomiye Cirro oo Bulshada Reer Togdheer Ka Yaabsaday Iyo Gaadiidka Shacabka Ee Bajaajta Loo Yaqaano oo uu Raacay.


Burco(freeBoss)Gudoomiyaha Xisbiga Wadani cabdiraxmaan cirro oo maalmihi u dambeeyay ku sugnaa magalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxa uu kulamo aan noocooda hore loo arag la yeeshay bulshada.
Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani ayaa isla Galabtaba Lagu Dhex Arkayay Gudaha Magalada Burco isaga Oo Uu Gudomiye Cirro Saaran Yahay Gadiidka Yaryar Ee Loo Yaqaano Bajaajta amaba Tigta.
Waxaana Dadwaynihii ku Sugnaa wadooyinka Uu Gudomiyuhu ku Dhex Marayay Bajaajta Lagu Arkayay Dadwayne Tirro Badan Oo ku Faraxsan Geesi-nimada Uu Cirro Samayay, Waxaanay Dadwaynihii arkayay Gudomiyaha ku Dhawaqayeen Hadalo ay ka Mid ahayeen “ Madaxwaynaha Mustaqbalka Soo Dhawoow,Reer Burco Diyaar ayay ku Yihiin Gudomiye Cirro inay ku codeyaan”

Ugu Danbayntii Waxa Uu Gudomiye Cabdiraxmaan Cirro Socod Lug ah ku Tagay Hotel City Plasa Oo ah Goobta Uu Magalada Burco ka Degan Yahay Gudomiyuhu.


free Boss Blogger

source By
Qarni news



No comments:

Post a Comment