Sabtidii wadahadalaooda ayaa dhamaaday iyagoo aan heshiis ka gaarin ansixinta qorshaha lagu doonaya in 5 kun oo askeri loo diro Burundi si ay gacan uga gaystaan qaboojinta rabshadaha bilooyinka ka socday dalkaasi.
Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza, ayaa ku hanjabay in dalkiisa uu u arki doono duulaan haddii Midowga Afrika uu ciidamo u soo diro Burundi.
Rabshadaha dalkaasi waxa ay ka dhasheen go'aanka uu Mr. Nkurunziza mar seddaxaad ugu tartamay doorashadii sanadkii la soo dhaafay ka dhacday dalkaasi.
No comments:
Post a Comment