Saturday, December 20, 2014
madaxwayne siilanyo oo sibalaadhan saaka loogu soo dhaweeyay magaalda jabouti+
Jabuuti(Awdalpost)Madaxwayne Axmed Silanyo Ayaa ka degay magalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti,waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan xukuumaddasi.Weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay ka mid yihiin Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Baarlamaanka Somaliland, Wasiiradda Beeraha, Xaanaanada Xoolaha, Arrimaha Dibada, Madaxtooyadda iyo Xildhibaano ka socda Golaha wakiiladda, ayaa waxa Madaarka Jabuuti ku soo dhweeyey Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo raysal wasaaraha Dalkaasi C/qaadir Kaamil Maxamed oo ay wehelinayeen wasiiro kale oo Reer Jabuuti ah. j6j17 j12j23j23 j25j24j28 Weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayey Madaxda kaga hor timi madaarku u galbiyeen Hotelka weyn ee kambiski, halkaas oo uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku qaabilay Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa iyagoo kulan kooban oo hordhac ah ku wada yeeshay Hotelka. Weftiga Madaxweyne Siilaanyo ayaa saacadaha soo socda la kulmi doona Weftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanay si toos ah isla maantaba u bilaabi doonaan wadahadalada uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku dhex dhexaadinayo labada Dal,balse sidii aan warka yagii hore idinku sheegnay waxa wali calamatul su`aal sarantahay sida uu noqon karo kulankaasi iyo in uu noqdo mid ay si laab furan u dhex dhexaadiso dawladda Jabuuti. Axmed faahiye Djibouti Awdalpost
No comments:
Post a Comment
Newer Post
Older Post
Home
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment