Friday, December 19, 2014

Kurdiyiinta Ciraaq Oo Jabiyay Gadoomintii Daacish Ku Haysay Buurta Sinjar

Baqdaad (Awdalpost)
Xooggaga Kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq kula dagaalamaya Ururka Daacish, ayaa sheegay in ay guul weyn ka gaadheen dagaalka ay kula jiraan ururka Daacish. Kurdiyiinta ayaa sheegay in ay jabiyeen go'doomin ay dagaalyahannada Daacish ku hayeen buurta Sinjar ee ku taalla Ciraaq, halkaasi oo tan iyo bishii August ay ku dhuumanayaan kumannaan qof oo isugu jira qowmiyada Yazidiga iyo Ciraaqiyiin kale. War saxaafadeed ka soo baxay taliska Kurdiyiinta, ayaa lagu sheegay in duulaankan ay ku qabsadeen dhul masaafadiisu gaadheyso 700 oo KM isku wareeg ah, isla markaana ay dhabbo u fureen kumannaan ah dadka Yaziga oo ku xayirnaa dusha buurta Sinjar. War saxaafadeedka ayaa intaa ku daray in tiro badan oo ka tirsan dagaalyahannada Daacish ee deegaanka ku sugnaa, ay u baxsadeen soohdinta dalka Suuriya iyo magaalada Mosul oo ay qabsadeen bishii June. Duulaanka ayaa bilowday saacadihii hore ee Arbacada, waxaana diyaaradaha xulafada ay dusha ka garaaceen fadhiisimo ay xooggaga Daacish deegaankaasi ku leeyihiin. 45 duqeymood oo cirka ah ayaa Arbacadii oo keliya lala beegsaday fadhiisimada xooggaga Daacish ee ku dhow buurta Sinjar. Duqeynta kaddib xooggaga Kurdiyiinta ee Peshmerga loo yaqaano, tiradooduna ay gaadheyso 8,000 ayaa deegaanka weerar dhulka ah ku qaaday, waxaana wax ka yar 48 saacadood kaddib ay sheegeen in ay guuleysteen. Awdalpost

No comments:

Post a Comment