Thursday, December 18, 2014

Barlamaanka Kenya Oo Gacmaha Isula Tagay Dooda Xeerka La Dagaalanka Argagixisada

Nairobi(Nairobi)Kulankii Maanta ee Baarlamaanka Kenya ay ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Nairobi ayaa ku soo dhamaaday dagaal gacan ka hadal gaadhay,Buuq Iyo Fawdo. Kulanka Baarlamaanka Kenya oo loo balan sanaa in laga Doodo Xeerka La Dagaalanka Argagixisada,ayaa waxa isla markiiba siwayn ugu kala qaybsamay xildhibanada Mucaaridka iyo kuwa muxaafidka,iyaga oo xildhibanadaasi mucaaridka ay jeex jeexeen waraqihii loo qaybiyeyxildhibanada ee uu ku qornaa nuqulada hindisaha cusub ee xeerkan la horkeenay Golaha,halka kuwo kalena ay gacmaha islula tageen iyaga oo adeegsanada gacmahooda,halka kuwo kalena ay qaylo,heeso iyo miis garaacid samaynayeen. Kulankan ayaa goor dambe lagu soo kala dareeray isaga oo aan wax natiijo ah laga gaadhin,isla markaasna qaar ka mid ah xildhibanada ay soo gaadheen dhawacyo fudud,iyada oo inta badan xildhibanadu ay ka soo dareereen,ciidanka amaanka ayaaaqalka la soo hor buuxiyey si hadii xaladu ay faraha ka sii baxdo ay u soo kala dhex galaan,waxaana la arkayey in markii xildhibanadu dibadda u soo baxeen ay Boolisku ku dhaliilayeen in ay ka gaabiyeen waxa meesha ka dhacay oo anay tallabo ka qaadin. Sharcigan cusub ee la xidhiidha argagixisada ayaa siwayn loogu kala qaybsamay gudaha dalka kenya,waxaana safka hore kaga jira dadka ka soo horjeeda ururada muslimiinta iyo waliba kuwa kinisadaha kenya,kuwaasi oo ku tilmaamay sharcigan in uu u bahanyahay in wax badan laga turxaan bixiyo.hindisaha sharcigan ayaa dhigaya in ciidanka la dagaalanka argagixisadu ay toogan karaan cida ay markaasi uga shakiyaan ururada xag jiriinta,waxaana ay ku soo beegmaysaa iyada oo ay dawladda kenya xidhay 500 oo ka mid ah ururada samafalka ee ka shaqeeya gudaha Kenya isla markaasna ay fadhiisisay xisaabaadkoodi,iyada oo ku eedaynaysa in ay taagaaro siiyaan kooxdaha argagixisada balse waxa ay abuurtay cadho xoogan oo looga soo horjeedo xukuumadda madaxwayne Uhur kenyatta. Axmed faahiye nirobi, kenya

No comments:

Post a Comment