Tuesday, December 24, 2019

Deg Dge;Wabar oo Amarku buxiyay in lasoo xidho badhasaabka Gobolka Awdal

Hogaamiyaha kooxda  kadagaalanta  Galbeedka 
Awdal  Ee lagu3 magacaabo  Suldaan wabar ayaa shaaciyay  in hadii sida ugu dhakhsaha   badanoosii daynwaayo  Suldaanka inu talaaba3 kaqaadi doono  waa sida uu hadalka  udhigee
Hogaamiyuhu.
Hanjabaada Hogaankan  ayaakusoo
Beegmaysa xili uu xidhanayahy
Midka  mida Zalaadiinta Gobolada Awdal iyo
Zelel.
sikastaba
Ha aheetee maxaa laga filankaraa
Wararka uu sooqaado suldaan  wabar.
Bye Wariye Axmed faahiye
Harawapost 
Djibouti  office 

Sunday, December 22, 2019

Maxaad ka xusuusataa dhacdooyinkii wanaagsanaa ee 2019-ka?

Waxaa laga yaabaa iney jireen dhacdooyin u muuqday in dad badan ay jeclaan karaan sababtoo ah dhammaan dhacdooyinka 2019-ka ma wada ahayn kuwa dhibaato un ka hadla.
Waxaa laga yaabaa iney jireen dhacdooyin u muuqday in dad badan ay jeclaan karaan sababtoo ah dhammaan dhacdooyinka 2019-ka ma wada ahayn kuwa dhibaato un ka hadla.

Dhacdooyinkii wanaagsanaa ee 2019-ka waxaa ka mid ahaa:

Diin la aaminsan yahay inuu 100 sano jir yahay oo la arkay

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Diin weyn oo la aaminsan yahay in la tirtiray 100 sano ka hor ayaa lagu arkay Jasiiradda Galápagos ee badda Pacific taas 1000km u jirta xeebta dalka Ecuador. Diin noociisa ah oo la arko waxaa ugu dambeysay sannadkii 1906.
Waxaa la aaminsan yahay in diinkani uu 100 sano jir yahay, waxaa kaloo suurgal ah inuusan kaligii ahayn oo ay jiraan kuwa kale oo isaga la qarni ah sababtoo dadka ilaaliya xayawaanaadka waxay sheegayaan in qolfaha iyo saxarada diinka oo aaggaasi lagu arkay awgood ay suuro gal tahay iney jiraan qaar kale oo halkaasi ku nool.
Waxaa kaloo war wanaagsan ah in tirada diin badeeedka ay sare u kacday tan iyo markii la bilaabay ilaalinta diin badeedka sannadkii 1973-dii.

Tirada libaax badeedka oo korodhay

Libaax BadeedLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Tirada Libaax badeedka ayaa waxay sare u kacday boqolkiiba sagaashan iyo saddex (93%) sannadkan 2019-ka.
Qarniyo oo la waday ilaalinta libaax badeedka, ayaa waxaa haatan la dareemay inuu sare u kac ku yimi libaax badeedka badda Atlantic.
Rajo cusub oo dawo loogu helo karo dadka qaba cudurka macaanka ee nooca 1-aad
.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Seynisyahanada dalka Mareykanka ayay u suuro gashay in xubno ka tirsan jirka bini'aadamka ay u beddelaan kuwa soo soo saara maaddada islulin waxayna taasi keenaysaa rajo cusub oo daawo loogu helo karo dadka qaba cudurka macaanka ee nooca 1.

Virus-ka HIV

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Daweynta HIV Virus-ka waxay difaaceeysaa isu gudbinta HIV virus ee galmada, sida lagu ogaaday cilmi baaris lagu daabacay joornaal uu leeyahay sheybaarka Lancet.
Cilmi baaristan ayaa la xaqiijiyay ka dib markii 1000 qof oo qaarkood qaba cudurka lagu tijaabiyay, kuwaasi oo isu galmooday, markii la baaray ka dibna ma aysan jirin isu gudbin dhanka HIV virus.

Cudurka Malariyada oo laga cirib tiray dalalka badan

Kaneecada ayaa faafisa MalaariyadaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO ayaa sheegeysa in Malaariyada laga cirib tiray dalalka Al-Jeeriya iyo Argentina.
Sida ay sheegtay hay'adda WHO, cudurkan oo ay sababo qaniinyada kaneecada haatan la cirib tiray 38 waddan oo ku kala yaalla dunida daafeheeda.

Meereheena oo cagaar sii noqonaya

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Sida ay sheegtay Nasa dhulka ayaa haatan waxa uu ka cagaaran yahay marka loo bar-bar dhigo 20 sannnadood ka hor taasi oo sabab u ah beerashada dhulka iyo mashruucyada dib u dhireynta ee Afrika, Hindiya iyo Shiinaha.
Nasa ayaa sidoo kale sheegeysa in meeraha dhulka ay caleenta geedaha sare u kacday ilaa 2 milyan oo isku wareeg ah.

Monday, October 28, 2019

Koox aan heebtooda la aqoon oo weeraray Boorama

Image caption: Magaalada Boorama
Wararka ka imaanaya magaalada Boorama ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbanaanida ee Somaliland ayaa sheegaya in saaka dabley aan heebtooda ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidammada ee ku yaal halkaas.
Booliska iyo kooxdii weerarka soo qaaday ayaa rasaas isweedaarsaday, waxaana markii dambe booliska ay baacsadeen kooxdaas,sida ay sheegayaan wararka.
Waxaana lagu soo warramaya in imika xaaladda magaalada Boorama ay degen tahay isla markaasna kooxdii weerarka soo qaaday ay isaga baxeen halkaas.
Wax khasaare ah oo ka dhashay ma jiro dhibaatadaas.
Guddoomiyaha gobolka oo la hadlay weriyaha BBC ayaa sheegay in hadda ay howlgallo wadaan.

Thursday, October 24, 2019

Koox Jidgooyo U Gashay Gaadhi Dawladdu Leedahay

Koox Jidgooyo U Gashay Gaadhi Dawladdu Leedahay
Koox hubaysan ayaa Salaasadii dorraad jidgooyo u galay baabuur ay dawladu leedahay oo marayay inta u dhaxaysa Borama iyo Dila, waxaanay ku fureen baabuurka rasaas tiro badan.
Abaanduulaha ciidamada qaranka gaashaanle sare Cabdirisaaq Sicid Bulaale ayaa arrintan u tagay Boorama waxaanu kulan la yeeshay gudida amaanka ee gobalka iyo qaar ka mid ah salaadiinta goblka Awdal.
Abaanduulaha ayaa sheegay in aan la eegan Karin xaalada amaan ee gobalka Awdal, waxaanu yidhi  “Waxaan u imid kormeerkaygi ciidanka  ee caadiga ahaa iyo arinta nabadgalyada oo kow ka ah ee gobalka baryahanba lagu sheegayay ee gobalka shalayna dhacdadu ka dhacday foosha xun ee wadada la galay laguna rasaaseeyay baabur dawladeed, waxaanu kulan la yeelanay dhamaan gudidii nabadgalyada, waxa kale oo aan la kulanay odayaashii dhaqanka oo suldaanku hoggaaminaayo,ka hordhici maayo wada hadal iyo rajo fiican yaanu qabnaa nabadgalyana waanu jecelnahay in lagu soo afjaro arin la sii eegan karana maaha,kana hor dhici maayo oo odayaashiina si weyn ayaan u balanay, raga meesha wada joogaana waanu wada garanaynaa.”
Muddooyinkii u dambeeyay waxa la hadal hayay oo ay xataa qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobalka Awdal warbaahinta kaga hadleen jabhad la sheegay inay ka samaysantahay deegaanka Dila ee gobalka Awdal.

Friday, October 18, 2019

Break News : xaalada Gobolka Harawa ayaa lasoo sheegayaa Inay marayso meel cakiran

  Break News : xaalada Gobolka Harawa ayaa lasoo sheegayaa Inay marayso meel cakiran


Wararka aanka helayno Degmooyinka kala duwan ee gobolka ayaa sheegaya inuu wali socdo mudaharad looga soogorjeedo madaxwaynaha Deeganka Somalida. 



Break News : xaalada Gobolka Harawa ayaa lasoo sheegayaa Inay marayso meel cakiran 

Arintan aya timid kadib markii aysii 
 korortay dhibaatoonyinka shacabka kudhaqan Harawa iyo nawaaxigeeda ay tabanayeen mudooyinkii udambay majiro wax wara oo ay dowladu ilaahada kasoo saartay xaalada Gobolka Harawa iyo Degmadiisa Awbare.

Nin dhintay isagoo gacalisadiisa si cajiib ah guur uga dalbanaya biyaha hoostooda

Kenesha Antoine ayaa muuqaal ka duubtay qaabka cajiibka ah ee uu Steven Weber guurka uga dalbanayay, xilli ay ku sugnaayeen meel ka baxsan Jasiiradda Pemba ee dalka Tanzania
Nin u dhashay dalka Mareykanka ayaa biyo ku geeriyooday xilli uu gacalisadiisa guur ka dalbanayay isagoo biyaha hoostooda ku jira, waxaana markaas ay lamaanahan damaashaadka fasaxa u joogeen dalka Tanzania.
Steven Weber iyo saaxiibaddiis Kenesha Antoine ayaa marka ay musiibadan dhaceysay waxay ku sugnaayeen dhisme biyaha dhexdeedo laga sameeyay oo ku yaalla xarunta dalxiiska ee Manta Resort, ee duleedka Jasiiradda Pembe.
Muuqaal lasoo galiyay baraha bulshada ayaa laga arkayaa Mr Weber oo biyaha hoostooda ku mukhuurtay si uu guur uga dalbado Ms Antoine.
Inta uu muuqaalka socdo ayaa sidoo kale la arkayaa Mr Weber oo gacalisadiisa tusaya qoraal uu ku amaanayo, kaasoo uu ka tusayay daaqad muraayad ah biyaha hoostooda ku jirta. Gabadha ayaa iyaduna ka duubeysay gudaha.
Ms Antoine, ayaa barteeda Facebook ku xaqiijisay geerida Mr Weber, waxayna sheegtay inay ahayd markii ugu horreysay ee uu aad ugu fogaatay biyaha hoostooda.
Kenesha Antoine iyo Steven WeberLahaanshaha sawirkaKENESHA ANTOINE ON FACEBOOK
Image captionKenesha Antoine iyo Steven Weber waxay ku jireen "Safar nolosha oo dhan hal mar la sameeyo" marka uu shilkan dhacayay
Mas'uuliyiinta xarunta loo dalxiiska tago ee Manta ayaa BBC-da u sheegay in Mr Weber uu si musiibo ah u geeriyooday isagoo mukhuurasho kaligiis ah ku sameynaya biyaha ka hooseeya qolka ay daganaayeen isaga iyo saaxiibaddiis.
"Waxaan annagoo aad uga xun idiin xaqiijineynaa shilka musiibada ah ee dhimashada sababay, kaasoo Manta Resort ka dhacay maalintii Khamiista ee ay taariikhdu ahayd 19-ka bisha Sitembar, 2019-ka", sidaas waxaa lagu yiri bayaan ay soo saareen mas'uuliyiinta xarunta.
Matthew Saus, oo ah agaaimaha guud ee xaruntaas ayaa yiri: "Qof walba wuxuu la gariiray geerida Mr Weber".
.Lahaanshaha sawirkaKENESHA ANTOINE ON FACEBOOK
Image captionBooliska Zanzibar ayaa baaraya waxa sababay geerida Steven Weber
Mr Weber iyo Ms Antoine ayaa 4 habeen kireystay qolka biyaha ka hooseeya ee ku yaalla dhismaha badda ka dhex sameysan, kaasoo xeebta u dhulkeeda u jira qiyaastii 250m (820ft).
Halkii habeenba waxaa goobtaas dalxiisayaasha looga kireeyaa lacag dhan $1,700 (£1,300),
Maalintii saddexaad ee ay halkaas ku sugnaayeen, Mr Weber, oo kasoo jeeda magaalada Baton Rouge ee gobolka Louisiana, wuxuu go'aansaday inuu si lama filaan ah, oo waliba cajiib ah guurka ugu soo bandhigo gacalisadiisa.
Qoraalka uu ku ammaanayay oo uu gacanta kula qoray warqad uu bac sii dhex galiyay waxaa ku qornaa: "Neefteyda ma celin karo waqti dheer, si aan kuugu sheego waxyaabaha aan kugu jeclahay. laakiin... wax walba oo aan kugu jeclahay, maalin walba waan sii jeclaadaa!"
.Lahaanshaha sawirkaKENESHA ANTOINE ON FACEBOOK
Image captionMr Weber ayaa qoray "Neefteyda ma celin karo wax badan.
Qeybaha dambe ee muuqaalka Mr Weber ayaa soo bixiyay warqadda uu kusoo qoray qoraalka amaanta ah ee uu soo raaciyay dalabka guurka, ka hor inta uusan soo saarin faraantiga oo ku jiray sanduuq yar.
Mr Saus ayaa BBC-da u sheegay in shaqaalihiisu ay biyaha hoostooda u gurmadeen, laakiin markii ay u tageen inuusan jirin wax ay qaban kareen.
.Lahaanshaha sawirkaTHE MANTA RESORT
Image captionQolka biyaha ka hooseeya ee xaruntan dalxiiska waxaa halkii habeen lagu kireeyaa $1,700 (£1,300)
Ms Antoine ayaa qoraalka ay Facebook-geeda soo dhigtay ku tiri "Gacaliyaheyga nasiib uma uusan yeelanin inuu maqlo jawaabteyda ku aaddan codsigiisa guurka", waxayna ahaan lahayd 'haa' oo hal malyan oo jeer ah".
Waxay sidoo kale sheegtay in markaas ay isla qaadanayeen dalxiis wadajir ah oo nolosheeda u ahaa kii ugu macaanaa.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay inay ka warqabto dhacdadan ku saabsan dhimashada muwaadinkooda ku geeriyooday dalka Tanzania ee ku yaalla bariga Qaaradda Afrika.
"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoyska uu ninkaas ka geeriyooday", waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda, wuxuuna intaas ku daray: "Waxaan diyaar u nahay caawinaad kasta oo looga baahan yahay qunsuliyadda".

Thursday, October 17, 2019

Madaxweyne Erdogan oo "xayiray " hub Niyukleyr oo Mareykanka u yaalla Turkiga

Hub Niyukleyr
Warbaahinta Mareykanka ayaa kusoo warrantay in saraakiil katirsan dowladda dalkaas ay ka digeen in 50 madax oo gantaalada Niyukleyrka ee Mareykanka u yaalla gudaha dalka Turkiga ay xayirtay dowladda dalkaas.
Xukuumadda Washington ayaa isku dayeysa sidii xal diblomaasiyadeed loogu heli lahaa arrintan, xilli Turkiga uu waqooyiga dalka Suuriya ka wado duulaan uu ku baacsanayo Kurdiyiinta Suuriya.
Bixitaanka ciidammada Mareykanka ay ka baxeen waqooyiga dalka Suuriya ayaa dhalisay in ciidamada Turkiga iyo kuwa Ruushka ay ku siqaan goobihii ay heysteen askarta Mareykanka, sidoo kalena halkaas ay isaga baxaan isbaheysigii Mareykanka uu ku lahaa gobolka - Kurdiyiinta Suuriya.
Arrintan ayaa waxaa aad u dhaliilay siyaasiyiin badan oo Mareykan ah, iyagoona xukuumadda Donald Trump ku eedeeyay inay dhabarka ka toogatay xulafadii ay ku lahaayeen gobolka.
Dowladda Mareykanka ayaa Turkiga ku boorsisay inay joojiso duulaanka ka dhanka ah Kurdiyiinta, oo haddii ay ka dhaga adeegtana ay burburin doonta dhaqaalaha Turkiga.
Warar ayaa sheegaya in markii uu mugdi soo kala dhexgalay xiriirka labada dal ay keentay in Mareykanka uu ka fikiro waxa laga yeelayo hubka Niyukleyrka ee u yaalla saldhig milateri oo ku yaalla koonfurta bari ee dalka Turkiga.
Wargeyska The New York Times ee dalka Mareykanka ayaa kusoo warramay in saraakiil ka tirsan wasaaradaha arrimaha dibadda iyo tamarta ay maalma kahor ka Shireen waxa laga yeelayo 50-ka madax ee hubka Niyukleyrka ee Mareykanka ka yaalla Turkiga iyo qaabka ay ula soo bixi karaan.
.Lahaanshaha sawirkaFRONT NEWS
Image captionHub Niyukleyr
Mid kamid ah saraakiishaas ayaa wargeyska u sheegay in hubkaas uu xayiray Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Teyib Erdogan, waxaana laga cabsi qabaa in hadii Mareykanka uu hubkaas meesha ka saaro ay ifafaalo u noqon karto gabagabada xiriirka labadan dal ee ka wada tirsan gaashaan buurta NATO.
Arrintan ayaa timid muddo bil ah kadib markii dowladda Turkiga ay sheegtay in aanan la aqbali karin in loo diido inay hub soo iibsato, taas oo ay sheegtay inay ka soo horjeedo heshiiskii hubka Niyukleyrka ee uu dalkaas galay sanadkii 1980.
Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqday mid xaqiijiyay hubka Niyukleyrka ee Mareykanka ugu keydsan dalka Turkiga, taas oo ahayd sir aanan mudo la shaacinin, waxbadanna aanan laga ogeyn.
Khubara badan waxay aaminsan yihiin in Mareykanka uu dalka Turkiga ku keydsaday bambooyinka B-61.
Hubkan ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay istaraatijiyadda gaashaan buurta NATO, in go'aan laga gaarana waxaa la rumeesan yahay inay u baahan tahay in inta badan 28 dal ee xubnaha ka ah ay isku raacaan.
Madaxweyne Trump ayaa mar wax laga weydiiyay bal in uu ka walaacsan yahay hubkan Mareykanka kaga xayiran Turkiga ayaa waxaa uu sheegay in uusan wax walwal ah qabin.
"Aad ban isugu kalsoonahay, oo waxaan halkaas ku leenahay saldhig milateri oo ciidamada cirka ah, saldhigaas oo keliya ayaa meel badan qabsan kara, waa saldhig ciidmaada cirka oo aad u weyn," sidaas waxaa yiri Trump oo u muuqday in uu xaqiijiyay hubka Mareykanka uu yaalla Turkiga.
Xubna katirsan Aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa ku taliyay in hubkaas laga saaro Turkiga oo la geeyo goob kale.
Mareykanka ayaa sheegay in Turkiga ay ka wada tirsan yihiin NATO, ayna adag tahay inay dagalamaan, wuxuu intaa raaciyay in marwalba ay doorbidayaan in waxa taagan xal diblomaasiyadeed lagu dhameeyo.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pompeo iyo xoghayaha arrimaha dibadda ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay gaaraan Turkiga, si ay wadahadal ula furan xukuumadda Ankara.