Monday, October 28, 2019

Koox aan heebtooda la aqoon oo weeraray Boorama

Image caption: Magaalada Boorama
Wararka ka imaanaya magaalada Boorama ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbanaanida ee Somaliland ayaa sheegaya in saaka dabley aan heebtooda ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidammada ee ku yaal halkaas.
Booliska iyo kooxdii weerarka soo qaaday ayaa rasaas isweedaarsaday, waxaana markii dambe booliska ay baacsadeen kooxdaas,sida ay sheegayaan wararka.
Waxaana lagu soo warramaya in imika xaaladda magaalada Boorama ay degen tahay isla markaasna kooxdii weerarka soo qaaday ay isaga baxeen halkaas.
Wax khasaare ah oo ka dhashay ma jiro dhibaatadaas.
Guddoomiyaha gobolka oo la hadlay weriyaha BBC ayaa sheegay in hadda ay howlgallo wadaan.

No comments:

Post a Comment