Xukumadda Somaliland Oo Qisaastii Labaad Fulinaysa, Qabiilada Ay Kasoo Kala Jeedan & Xaaladihii Ugu Dambeeyay.
Hargeysa(Harawapost)- Waxa bisha foodda innagu soo haysa ee Feeberwerri ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi fullin doontaa qaybtii labaad ee dil lagu Xukumay, kadib markii toddobaadkii horena 7 ruux ee ugu horreeyay dil lagu fulliyay, kuwaasoo oo beesha caalamkunna aad uga soo horjeesteen talaabaddaas.
Ilo wareedyo madax bannaan ayaa Warbaahinta, u sheegay in bisha labaad ee foodda innagu soo haysa ay Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi fullin doonto dilka 11 ruux, kuwaasoo lix ka mid ahi ay ka soo jeeddaan beesha Dhulbahante, halka saddexna ay ka soo jeeddaan beesha Habaryoonis iyo laba ruux oo ka soo jeedda
beesha Samarroon.
beesha Samarroon.
Warku waxa uu intaas ku daray in Madaxweyne Biixi uu saxeexay dilka 36 ruux oo 11 ka mida la qisaasi doonno bisha labaad ee Feeberwerri, halka kuwii ugu horreeyayna toddobaadkii aynnu soo dhaafnay la qisaasay, iyaddoo uu wiil ka mida dhalinyaraddii la qisaasay oo ka soo jeedda gobolka Sool uu sheegay inaanu wax dil ah gaysan, balse uu waayay garsoor iyo Caddaalad xaqiisa u soo celisa.
Xukuumadda uu hoggaamiyo Kornaylka Muuse Biixi Cabdi oo daawayn karri wayday Kiisaska yar yar ee maalinkasta ka dhaca Maxkamaddaha dalka, maaddaama ay u baahan yihiin garsoor hufan oo Caddaalad ku dhammeeya Kiisaska horyaalla, siddee bay Caddaalad ugu helli kartaa Qisaasta ay fullinayaan iyo Muwaadiniinta iyagoo caddaalad-daro tirsannaaya ay dilka ku bilowday, kuwaasoo aad mooddo inay beelo gaar ah u badan yihiin.
No comments:
Post a Comment