Saturday, January 28, 2017

Akhri wariye seerbiyo: Haddii Aan Ogahay, Ma Aadeen

isla sannadihii u horreeyey ee aan aado goob waxbarasho, waxa igu adkaatay in aan la qabsado fadhiga faraha badan ee fasalka dhexdiisa iyo inaan saacado badan dhegaysto macallinka hadalkiisa. Taasina waxa ay ahayd sababta aan maalin kasta ardayga igu xiga u weydiin jirey “goormee xiisaddu dhammaanaysaa oo aan ka baxaynaa fasalka?”
Khamiista marka la gaadho amaba ay soo dhawaato, waxay ahayd marka aan dareemo farxad, aniga oo ku tashanaaya fasaxa jumcada. Khamiistii shanaad intii aan dugsiga baranaayey, waxa maalin i soo maray Jaamac oo isagu dugsi aan kayga ka fogayn arday ka ah. Waxa uu ii sheegay in aniga iyo Cabdinaasir oo aan kubbadda wada ciyaari jirnay, aan tegi doono meel ka baxsan magaalada, si aanu halkaasi waqti ugu soo qaadanno, maadaama aan fasalka ku caajisay. Xataa buugaagtaydii meeshii ayaan kaga tagay, waannu is raacnay .
Anigu xoolaha wax badan ayaan ka aqaannaa oo sannaddo yar ka hor uun bay ahayd markii aan subax baabuur ka soo raacay riyahayagii ay ku jirtay laxdii Deylo. Weliba iyaga oo i fiirinaya ayaan xagga sare ka fuulay baabuur dhawr caag oo caano ahina ay dusha ka saaran yihiin.
Ma ogid wax kuu wanaagsan, balse haddaan ogaan lahaa macallinka iyo buugaagta ayaan iska sii weheshan lahaa oo xataa haddii ay dhammaato saacadihii waxbarasho, waxa aan codsan lahaa inaan fasalka ku sii hadho.
Khamiistii way dhammaatay oo Jimce habeenkiisii ayaa bilaabmay. Saaka way ka duwan tahay galabta oo ugu yaraan madaxa nabarkan igaga yaallaa ma uu jirin, waxaanan ku garanayaa waan ooyi lahaa haddii uu jiro.
Si kale, safarkan waan ku qosli lahaa haddii aanan ogayn xanuunka uu leeyahay, sababtuna waa socod aan jiho lahayn. Mar kale ka ma fikirin in qof aan aniga aabbahay iyo hooyaday toona garanaynin ayaa cunto ku siin oo biyo ku cabsiin, haddiise aan ogahay in ay sumaysan yihiin cunnada iyo biyuhuba, mana cuneen mana cabbeen oo Alle igu og yahay.
Bustahan la iga soo amaahday, dameerka Khayre ee reerka u dhaamiya dhaxan kasta oo jirta ka muu huwadeen, waase haddii aan ogahay in farxaddiisu tahay anoo da’ yar in aan nolosha nabadgelyeeyo .
Inkasta oo aan saddex ahayn, haddana ma garan karo sababta keligay la ii colaadshay. Weliba iyada oo aan la ii sheegaynin waxa la i la damacsan yahay, aan iska hubiyee, malaha waxtar ay ila rabeen ayaa wax yeelo noqotay.
Naasir iyo Jaamac haddii ay yihiin saaxiibbo dhab ah intii ay dhibtan oo dhammi igu dhacaysay, miyey i badbaadiyaan! Markii ay halkan ii soo wadayeense, maxay iigu sheegi waayeen in aan sidan ku dambayn doono? Arrinta kale ee layaabka leh ayaa ah, Dhudi Axmed iyadu, hooyo way dhaaftay xataa, oo wiilka aniga ii eg waxay u tahay ayeeyo. Miyey ii quudhi weyday in aan helo noloshii ay heleen iyada, wiilkeeda Yuusuf, iyo wiilka uu sii dhalayba. Ta kale, goormeen gef ka galay, illeen dunida wax badan maba joogine?
Waxay ahayd meeshii ugu horraysay ee aan ku arkay qof la qalaayo oo hadana laga qarinaayo mindida diyaarka u ah, taasina waxay ahayd sababta aan u geeriyooday.
Qaybtii 1-aad
Cumar Seerbiya

No comments:

Post a Comment